Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Xanuuno ka dilaacay deegaanadii duufanta ku dhufatay iyo W/Caafimaadka oo kooxo u dirtay(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Qaar ka mid ah deegaanadii ay duufaantu ku dhufatay todobaadkii hore ayaa laga soo sheegayaa inay ka dilaaceen xanuuno kala duwan oo saameeyay qoysaska iyo duunyadda yar ee u hartay,xanuunada ilaa iyo hada la sheegayo ayaa ah shuban,dhabaro jirka dadka kasoo baxaya.

Qoysas xanuuno ka cabanayaSidoo kale qoysaska cayroobay ayaa si wayn uga cabanaya biyo la’aan baahsan maadama roobabkii da’ay ay dhulka ku dareen ceelashii biyaha laga cabi jiray,waxana ka dhashay caafimaad daro salka ku haysa baqtiga xoolaha oo aan sidaasi uga fogayn meelaha ay dadku iskugu yimaadeen.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa wada barnaamij balaaran oo looga hortagayo xanuunada dilaacay,maanta ayaa la qorshaynayaa in la diro kooxo caafimaad oo mudo 3-bilood ah ka howlgali doono deegaanada ay duufaantu halakaysay.

Cabdirisaaq AbshirCabdirisaaq Abshir Xirsi(Garwayne) oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inay ku talo jiraan sidii looga jawaabi lahaa qaylo dhaanta kasoo baxaysa qoysasyka tabaalaysan,wuxuna sheegay inay jirto dhamaan waxyaabaha ay ka cabanayaan isla markasna ay qiimayn kusoo sameeyeen.

Garwayne ayaa sheegay inuu soo arkay xaalad aad u murugsan oo u baahan in wax badan laga qabto,sida gubista baqtiga xoolaha oo ka qayb qaatay caafimaad xumida laga cabanayo,wuxuna sheegay biyo la’aan inay xitaa jiro loona baahan yahay in wax badan loo qabto.

Inkastoo gurmadku uu socdo hadana wali ma gaarsiisna sidii la rabay sababtoo ah wali cabasho iyo qaylo dhaan ayaa soo yeeraysa.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>