Dongorayo(pp) Wasaaradaha Xanaanada xoolaha,caafimaadka iyo deegaanka ayaa wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo saamaynta ay gaysatay duufaantii dhowaan ka dhacday qaar ka mid ah gobaladda Puntland,taasoo dhinac kasta saamayn ku yeelatay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhankeeda ka wada sidii loo dawayn lahaa xoolaha xanuunsaday,iyadoona maanta ay diyaarisay kooxo caafimaad oo mudo saddex bilood ah ka howlgali doono deegaanadda ay xanuunadu ka jiraan si looga hortago cudurada ka dhalan kara,dadka xanuunsana loo daawayn lahaa.
Marka laga soo tago wasaaradda Caafimaadka waxaa jira dadaalo kale oo ay wado wasaaradda xanaanadda xoolaha Puntland,taasoo markii hore waday mashruuc xoolaha lagu dawaynayo balse markii ay duufaantu dhacday u jeesatay sidii xoolaha haray looga bad baadin lahaa khatarta soo food saartay,waxayna daweeyeen xoolo faro badan oo xanuuno lasoo dirsaday,sidoo kale wasaraddu waxay bilowday sidii loo gubi lahaa xoolihii duufaanta ku baqtiyay oo la sheegay inay ka dhasheen xanuuno.
Kooxo kala duwan ayaa howshaasi gacanta ku haya,waxana sidoo kale ku weheliya wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka xanaanadda xoolaha Cabdiwali Xirsi Nuur,dhanka kale Hay’addaa FAO,WFP iyo UNFPA ayaa u guurgalaya xaalada qoysaskii ku cayroobay duufaanta iyo caafimaadka xoolaha.
Duufaanta ayaa sidoo kale saamayn xoogan ku yeelatay deegaanka sida uu sheegay wasiirka deegaanka iyo duurjooga Puntland Cabdiqani Yuusuf Cade waxaa bur bur xoogan uu ku yimi dhul badan oo deeqsin iyo waliba dhulki kale ee la dagi jiray,waxana ka abuur-may boholo tiro badan,sidoo kale ugaartii ayaa ku le’day roobabkii qabowga watay.
Wasiirka ayaa sheegay dhankooda inay wadaan dadaalo kala duwan oo looga hortagayo sidii dhulka iyo ugaarta hadhay loo bad baadin lahaa.
Wasaarad kasta waxay bilowday sidii ay wax uga qaban lahayd howsha kaga aadan samaynta duufaanta,waxana jiro dadaalo ay shacabka iyo dowladda oo isku duuban wadaan,kaasoo ah in qoysaskii cayroobay loo xoolayn lahaa.