Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jigjiga: Madaxweyne Cabdi M. Cumar oo si rasmiya xariga uga jaray Taaladii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

$
0
0

Jigjiga: (pp)- Waxaa maalinkii Shalay  dib loo wada Xasuustay Taariikhdii iyo Halgankii aan Duugoobayn waligii ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan Ka dib  markii Xadhiga si rasmi ah uu uga Jaray Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar , Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo laga Dhex qotomiyay Waddada Wayn ee badhtamaha u ah Magaalada Jigjiga oo ay tubnaayeena Dhammaanba Masuuliyiinta Xukuumada,Marti-sharaf iyo Qaybaha Bulshada.

Goobta Taalada oo si heer sare ah loo Qurxiyaya ayaa waxaa  ku soo xoomay sidda Puntlandpost ay u sheegeen Dhamaanba Qaybaha Shacabka Magaalada Jigjiga,islamarkaana uu biliglaynayay Flashka Cameradaha,  halka Dumarkuna ay Mashxarad Muuso  iyo Xasuus Qiiro huwan ay daqiiqad kasta ku dhufanayeen dadkii & Madaxdii goobtaas goob-jooga ahayd.

Taalada Sayid Maxamed oo laga taagay Jigjiga

Dad goob joogeyaal ah ayaa Warbaahiyaha Puntlandpost u sheegay in Taallada laga taagay Jigjiga ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ay shacabka deegaankaas soo xasuusisay Taariikhdoodii iyo Halgamayaashii taariikhada ka galay Caalamka iyo Geeska Afrika.

Taaladii Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo horay ugu taalay magaalada Muqdisho, qiimo & qaayana ugu fadhiday shacabka Soomaaliyeed ayaa mid ka mid ah qabqablayaashii Muqdisho uu iibgeeyey Dubai, arrinkaas oo ay aad uga xumaadeen shacabka Soomaaliyeed ee himaladoodu ahay in ay marwalba arkaan Taariikhda Halgamayaashii Soomaaliyeed.

Puntlandpost, Jigjiga, DDSI

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>