Garowe(pp) Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) iyo ku simaha Boqorka.Burhaan Muuse Boqor ayaa maanta yimi magalada Garowe xarunta dowladda Puntland.
Socdaalka Gen.Cadde Muuse iyo Burhaan Muuse Boqor ayaan la ogayn waxa uu salka ku hayo balse warar ay heshay warsidaha Puntlandpost.com ayaa sheegaya inay kulan la qaateen taliyaha ciidanka malatariga Pl Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) kulankaaso oo aan la aqoon waxa uu ku saabsan yahay hadana waxaa loo badinayaa inuu yahay mid doorashada iyo ammaankiisa looga hadlayo maadama Siciid Dheere uu madax u yahay guddiga amniga doorashadda.
Gen.Cadde iyo Burhaan Muuse ayaa kasoo socdaalay magalada Bosaaso,waxana magalada Garowe kusoo dhaweeyay masuuliyiin dowladda Puntland ka tirsan,wararka soo baxaya ayaa sheegaya labadaan Oday inay la kulmi doonaan Madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.
Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa labo maalin ka hor magalada Bosaaso kulan kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nichalis Kay,waxayna kulankooda kaga hadleen arrimaha doorashada iyo hirgalinta guddiga khilaafaadka doorashadda.
Cadde Muuse iyo Burhaan Muuse mid-na wali saxaafadda lama hadlin wixii kusoo kordha wararka danbe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa haddii alle idmo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe