Muqdisho(pp) Mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisulwasaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta loo qaybiyay fadhiga baarlamaanka,iyadoona warqadaasi kalsooni kala noqoshada Saacid ay saxiixeen sida la sheegay 168-mudane.
Fadhiga maanta waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen,waxana qaybinta ka dib mooshinka la sheegay in laga doodi doono shan bari ka dib,qaar ka mid ah xildhibaanada oo kulanka ka hadlaya ayaa codsaday mooshinka xildhibaanada soo gudbiyay in magacyadoodana lagu soo lifaaqo kaasoo markii danbe la diiday.
Xildhibaanada sida aadka ah uga soo horjeeda Xukumadda Saacid waxaa ka mid ah Khadiimo Maxamed Diiriye waxayna sheegtay mar ay saxafada la hadlaysay in xukumadda ay ku fashilantay waxqabasho la’aan iyo khilaaf soo cusboonaaday oo soo kala dhexgalay Saacid iyo Xasan Shiikh.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo ugu danbayntii hadlay ayaa sheegay shan cisho ka dib in mooshinkan laga doodi doono sida uu xeer hoosaadka uu dhigayo,balse lama yaqaan sida uu xaal noqon doono maadama Raysilwasaare Saacid uu horay is-casilaad uga diiday madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdiosho