Beledweyne(pp) Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwo AMISOM ee ka socda Dalka Jabuuti ayaa dilay lix nin oo alshabab ka tirsan isla markasna baad ka qaadi jiray dadka reer miyiga ah ee degan galbeedka magalada.
Ragaan shabab ka tirsan oo caadaystay inay shacabka dhacaan ayaa lagu dilay tuulada la yiraahdo Jeeloow oo galbeedka magalada Beledwayn ku taala sida uu noo sheegay qof goobjooge ah,dhanka kale ciidanka dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday howlgalo ka dhan ah kooxda alshabab iyo sidii guud ahaan gobalka looga sifayn lahaa.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo mar sii horaysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii gobalka looga saari lahaa kooxda alshabab oo ilaa iyo hada saddex degmo oo gobalka ka tirsan gacanta ku haysa.
Isku soo wada duuboo howlgalka maanta lagu dilay raggaan shababka ka tirsan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili magalada Beledweyn uu labo qarax mudo bil ah ka dhacay,kuwaasoo gaystay khasaaro kala duwan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Beledweyne