Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho:Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka war bixisay Mooshinka laga keenay RW.Saacid”Dhagayso”

$
0
0

Muqdisho(pp) Iyadoo maanta fadhiga baarlamanka Somalia la hor keenay mooshin la sheegay inay ka keenen xukumadda Somalia 168-mudane,ayaa waxaa soo baxaya durba in la isku khilaafsan yahay mooshinkaasi maadama la waayay xildhibaanadii saxiixay.

kulankii-baarlamaanka-28Qaar ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay heli taanka saxiixyada mudanayasha saxiixay mooshanka kalsoonida loogala noqoya xukumadda,waxana ka mid ah dadka arrintaasi ka dooday Xildhibaan Saado Cali Warsame.

Saado Cali Warsame oo waraysi siisay Radio Garowe ayaa sheegtay fadhiga maanta in looga dooday marka hore in la helo 168-mudane saxiixooda maadama ay arrintaasi tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada sida wayn uga soo horjeeda xukumadda Saacid ayaa mar sii horaysay sheegtay mooshinka inay saxiixeen xildhibaano faro badan balse maanta xildhibaanadaasi laga waayay fadhiga baarlamaanka.

Mooshinka ayay sheegtay laga keenay xukumadda inuu yahay mid aan xildhibaanada ka imaan oo uu salka ku hayo khilaafka Saacid iyo Xasan Shiikh u dhaxeeya,wuxuna ka yimi sida la aamisan yahay madaxtooyadda.

Hadaba halkan ka dhagayso Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka hadlaysa mooshinka iyo tix yar oo ay xaaladda Somalia ka tirisay

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>