Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shir Garowe ka dhacay oo lagu go’aamiyay in 10.000 oo neef qoysaska cayroobay loo aruuriyo(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa maanta hoolka shirarka xarunta Gobalka lagu qabtay shir looga hadlayay sidii dadka degan Gobalka Nugaal ay uga qayb gali lahaayeen gurmadka loogu jiro xoolaynta qoysaska ku cayroobay roobabkii labo todobaad ka hor ka da’ay Gobalka Nugaal.

1Shirka waxaa kasoo qayb galay Islaan Ciise islaan Muuse,Suldaan Siciid Maxamed Garaase nabadoonada Gobalka Nugaal,Ganacsato,wasaradda arrimaha gudaha iyo mamulka Gobalka Nugaal,waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo ka hadlaya xaalada ay ku sugan yihiin qoysaska cayroobay iyo sida loogu baahan yahay dadka hantida haysa inay u bixiyaan xoolo lagu bad baadinayo nolasha kumanaan qoysas reer guuraa ah.

3Bilowgii kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Mudane Cabdi Xirsi Cali oo kulanka soo agaasimay,wuxuna ka war bixiyay xaalada qoysaska cayroobay iyo nolasha ay ku sugan yihiin,wuxuna sheegay shacabka Gobalka Nugaal in laga doonayo inay xoolo iska soo aruuriyaan si loo gaarsiiyo xoola-dhaqatadii cayroobay.

CabdiQarjab waxa uu sheegay maanta inay tahay maalintii loo gurman lahaa walaalaha tabaalaysan ee u baahan in la caawiyo,sidaasi darteenda qoysaska hantida haysaa looga baahan yahay inay ka qayb galaan gurmadka.

7Nabadoono iyo waxgarad ka hadlay shirka ayaa isku wada raacay inay muhiim tahay sidii loo bad baadin lahaa qoysaska ay saamaynta kasoo gaartay roobabkii duufaanta watay ee qaybo ka mid ah Gobalka Nugaal ka da’ay,waxayna soo dhaweeyeen in xoolo la iska aruuriyo.

12

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay Odayaasha dhaqanka iyo Nabadonada in looga fadhiyo reer kasta inay xoolo kasoo aruuriyeen,xoolahaasi oo gaaraya 10.000 oo neef si dadka cayroobay nolashooda loogu bad baadiyo,wuxuna sheegay Suldaanku dadkaaga oo baahan haddii aad wax u qaban waydo inaysan kuu faa’ido ahayn aduun iyo aakhriba.

”in la aruuriyo xoolo la yiraahdo arri ayaan go’aan ku gaarnay oo gaaraya 10.000 oo neef”.

2Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ugu danbayntii shirka soo xiray ayaa alle ka baryay inuu dadkaasi tabaalaysan u gargaaro oo xaalada ay ku sugan yihiin ka dulqaad,wuxuna umadda islaanka ee Gobalka Nugaal ugu baaqay inay dhexda u xirtaan sidii loo xoolayn lahaa qoysaska cayroobay.

”Hadda waxaa la go’aamiyay toban kun oo neef waxaase oran lahaa boqol kun oo neef ha laga dhigo,sababtoo ah dadka Nugaal toban kun oo qoys way ka badan yihiin”.

4Dowladda Puntland,Isimadda,Culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa wali ku jira gurmadkii lagu samata-bixin lahaa qoysaska tabaalaysan,maadama dadka Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin tacabka reer guuraaga.

11 10 5 6 7 9 8

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>