Garowe(pp) Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka digay in shacabka si qaldan wax loogu sheego oo laga aamin siiyo in Garowe iyo Puntland aysan ka dhici karin doorasho.
Waxa uu sheegay magalada Garowe inay ka dhici doonto doorasho dimuqraadiyad ah oo dadka ay ku wada qanacsan yihiin,wuxuna sheegay inay hoos timaado awooda Gobalka Nugaal sidaasi darteedna looga baahan yahay musharaxiinta inay si asluubaysan warbaahinta uga hadlaan.
Qarjab ayaa sheegay ragga u taagan xilka madaxtinimadda Puntland inay dooran doonan 66-xildhibaan oo masiirka shacabka Puntland matalaya,sidaasi darteedna buu yiri murashaxiinta looga baahan yahay inay kalsooni iyo balan qaad ka raadsadaan xildhibaanadda imaan doono.
Waxa uu murashaxiinta ugu baaqay inay ka shaqeeyaan umadda isku soo dhawaynteeda iyo wax u qabashadeeda inta ay isku mashquulin la haayeen wax ka sheega amaanka iyo arrimaha la hadal hayo.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Qarjab ayaa shacabka magalada Garowe ugu baaqay inay si isku mid ah usoo dhaweeyeen murashaxinta xilka madaxtinimadda Pl u taagan.
Cali Cabdi Ducaalae
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe