Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

NO: 50:Shir looga arrinsanayo aayaha G/shabellada hoose oo lagu qabtay deegaanka NO: 50 (Sawirro)

$
0
0

NO: 50(pp)  Odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobalka Shabellada hoose ayaa maanta shir ay uga arinsanayaan xaalada iyo aayaha danbe ee Gobalka waxay ku qabsadeen deegaanka NO: 50 oo ahayd halkii uu dhowaan ka dhacay dagaal dhaliyay khasaaro dhimasho iyo maal-ba iskugu jira.

Odayaasha dhaqanka waxay diirrada ku saareen kulankooda sidii looga shaqayn lahaa ammaanka Gobalka iyo horumarkiisa maadama ay kusoo noq-noqdaan dagaalo saamayn ku yeeshay wadajirka iyo horumarka,waxayna go’aan midaysan ku gaareen in meel looga soo wada jeesto ka shaqaynta amniga Gobalka lana iska cafiyo dhamaan wixii dhibaato ee dadkas oo gaaray.

Qaarka mid ah dadkii kale ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay Gobalka inaysan haba yaraatee uusan ka jiran wax barnaamijyo hormarineed oo ka yimi dhanka dowladda dhexe ee Somalia.sidaasi darteedna madaxda dowladda looga fadhiyo inay ka shaqayso horumarka Gobalka.

Inkastoo Shabelleeyoonka ay ka dhaceen dagaalo siyaabo kala duwan u dhaliyay khasaaro  baaxad leh hadana ma muuqata tilaabo ay dowladda Somalia ka qaaday,waana tan keentay in dadka deegaanku ay shir isku habar wacdaan oo ay aayahooda danbe kaga tashadaan.

kulan-shabelada_1 kulan-shabelada_2 kulan-shabelada_3 kulan-shabelada_4 kulan-shabelada_5 kulan-shabelada_6 kulan-shabelada_7 kulan-shabelada_8 kulan-shabelada_9 kulan-shabelada_10

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>