Muqdisho(pp) Waxaa qaylo dhaan laga muujiyay xaalada ay ku sugan yihiin kumanaan kun oo qoys oo ka dhiban daafaha iyo gudaha Degmada Jowhar oo ay saamayn xoogan ku yeelatau fatahaada uu sameeyay wabiga Shabelle.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxe oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa dowladda ku eedeyay inaysan wax la taaban karo ka qaban dhibaatooyinka ay dadkaasi ku sugan yihiin.wuxuna sheegay kontan kun oo doollar inaysan waxba u qaban karin ayna ka wayn tahay dhibaatooyinka soo wajahay.
Dalxa oo warbaahinta Muqdisho la hadlayay ayaa yiri”Maanta gobol dhan umadii ku nooleyd colaad iyo fatahaad is biirsaday oo ah wax aan la qiyaasi karin in dowladda ay ugu deeqdan 50-kun oo doolarn oo aan waxba u qaban karin,taasina waa arrin lala yaabo”
Qoysaska ku nool magalada Jowhar ayaa waxaa la sheegayaa inay soo food saartay xaalad aad u adag maadama ay iskugu darsameen fatahaada wabiga iyo canuuno kala duwan oo ka dhashay cuduro ka dilaacay qaar ka mid ah xaafadaha oo ay ugu badan tahay Cudurka duumada.
Waxana magalada kusoo barakacay in ka badan 10-kun oo qoys, iyadoo dadkaas ay heysato xaalado nololeed oo aad u liidata,mana muuqata yididiilo wax loogu qabanayo dadka tabaalaysan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho