Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qardho:Soo dhawaynta musharax Cali Xaaji Warsame oo gil-gishay magalada Qardho(Sawirro)

$
0
0

Qardho(pp) Musharax Cali Xaaji Warsame oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Baran oo uu labadii maalmood ee ugu danbaysay ku sugnaa ayaa maanta shacabka iyo waxgaradka Qardho kala kulmay soo dhawayn uusan waligiis la kulmay,duleedka bari ee magalada waxaa kaga hortagay gawaari aad u faro badan oo ay ku xardhan yihiin boorar uu ku sawiran yahay iyo hal ku dhigyo lagu soo dhawaynayo.

Dubab dhaqameed,dhalinyaro,haween iyo dad kale oo taageersan siyasadiisa ayaa ka qayb galay soo dhawaynta,waxana sidoo kale ay muuqaalka caamiradaha saxaafadu ay qabanaysay fardoolay gaado ka ciyaar qurux badan musharax kusoo dhawaynaysa.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharaxiinta sida wayn saamaynta ugu leh doorashadda madaxtinimo ee Puntland ayaa la dajiyay hotelka la yiraahdo Embeye wuxuna uga mahad celiyay dhamaan dadkii soo dhawayntiisa ka qayb galay sida wanaagsan ee ay ugu hagar baxeen.

Musharaxa ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda inuu kulamo kala duwan magalada kula qaato Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,halkaasoo uu ugu soo bandhigi doono siyaasadiisa ku aadan doorashadda iyo haddii uu madaxwayne noqdo waxyaabaha uu xooga saari doono.

Sidoo kale magalada Garowe xarunta dowladda Puntland waxaa ka socota qaban qaabo wayn oo lagu soo dhawaynayo Cali Xaaji Warsame.

Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-1 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-2 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-3 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-4 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-5 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-6 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-7 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-8 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-10 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-11 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-12 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-13 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-16 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-17 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-19 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-20 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-21 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-22 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-23 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-25 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-27 Musharax_Cali_Xaaji_Qardho-31
Puntlandpost.com
Xafiiska Qardho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>