Minneapolis(pp) Gollaha Imaamyadda masaajidyadda ku yaala Dalka Maraykanka ayaa dhaqaale ay dadka Soomaaliyeed ka aruuriyeen oo gaaraysa 80-kun oo doolar waxay ku wareejiyeen labo hay’adaad oo samafal ah si ay iyaguna usoo gaarsiiyeen qoysaskii ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee labo todobaad ka hor ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland.
Dhaqaalahaan ayaa waxaa ku tabarucay dadka ku nool magaladaasi oo kusoo hagaajinayay masaajidka wayn ee Abubakar iyo kuwo kale ee hoos yimaada,waxayna lacagtaasi lagu warejiyay Ururadda kale ah Hero 60-kun ayaa loo dhiibay,ururka kale ee la yiraahdona READ Horn of Afriaca waxaa loo dhiibay 20-kun,waxayna labadaasi hay’adood ay balan qaadeen inay si toos ah lacagtaasi u gaarsiin doonan meelihii loogu talo galay.
Shiikh Cabdiraxmaan Cumar oo ah madaxa Gollaha Shuuradda ee Midowga Imaamyadda Wadanka Maraykanka oo ka hadlayay munaasibad lacagtaasi hay’addaha loogu wareejinayay ayaa sheegay inay sii wadayaan dadaalka loogu jiro bad baadinta qoysaska duufaanta ku cayroobay,wuxuna sheegay inay tahay deeqdii ugu horaysay oo ay soo aruuriyaan.
Sidoo kale dalal ku yaala Qaaradda Yurub ayaa waxaa laga wadaa gurmad balaaran oo qoysaska cayroobay dhaqeelo loogu aruurinayo,taasoo qayb ka ah sidii umadda Soomaaliyeed ee ay dhibta taabatay loogu gurman lahaa.
Puntlandpost.com