Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Musharaxiinta PL”Waxaan ka digaynaa in Farole ku kaliyeysto magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka doorashada”

$
0
0

Garowe(pp) Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimadda Puntland ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saareen waxay kaga hadleen soo magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka iyo sababta ilaa iyo hadda ay u kulmi la yihiin musharaxiinta dowladda iyo Isimadda.

War soo baxayWaxay warkooda ku sheegeen musharaxiinta in si deg deg ah loogu baahan yahay in lasoo magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada asbuucan dhexdiisa si ay ugu wada qanceen dhinacyadda ka qayb galaya.

War-saxaafadeedkii kasoo baxay qaar ka mid ah musharaxiinta waxa uu u qornaa sida tan

Annagoo ah musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha dowladda Puntland ee magacyadoodu hoos ku taxan yihiin, waxaan maanta oo taarikhdu tahay December 02, 2013 kulan wadatashi ah oo ay yesheen kagaa wadahadaleen guud ahaan arrimaha doorashada Puntland ee 2014, gaar ahaanna sidii loo magacaabi lahaa guddigii khilaafaadka doorashada iyo qaabkii loo xallin lahaa wixii khilaafaad ah ee ka dhasha doorashada guud ahaan.

Haddaba, markaan aragnay in waqtigii doorashadu soo dhawaaday, aysanna muuqan wax wadahadal ah oo u dhaxeeya musharaxiinta, madaxweynaha iyo isimada, ifafaalaha muuqdana uu muujinayo in madaxweynuhu uusan diyaar aheyn wadatashi sidii lagu heshiyey, kaas oo ku aadan sidii loo heli lahaa doorasho si xalaal ah u dhacda, natiijadeedana reer Puntland aqbalaan, waxaa nala habboonaatay inaan soo saarno warsaxaafadeedkaan;

Waxaan ka digaynaa in madaxweynaha dowladda Puntland ku kaliyeysto magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.Waxaanna madaxweynaha u sheegaynaa inaannaan  aqbali doonin guddi aan nala kala tashan.

Waxaan u soo jeedinaynaa isimada Puntland inay qaataan doorka ay ku leeyihiin doorashada Puntland, lana helo guddi kormeera qaabka ay doorashadu u socoto, xalliyana khilaaf kasta ee  khal-khal galin kara doorashada iyo nabada Puntland.

Madaama doorashadii soo dhawaatay, loona baahan yahay in musharaxiintu ku qancaan guddiga xallinta khilaafaadka, waxaan soo jeedinaynaa  in si degdeg ah loo magacaabaa guddigaas ugu dambayn usbuuca u horeeya ee bisha December, 2013.

Waxaan ka xunahay dhibaatadii ka dhacday degmada taleex oo dhimasho, dhaawaca iyo burbur degaan lahayd, waxaanna ugu yeeraynaa dhammaan waxgaradka Puntland in arrintaas meesheeda lagu joojiyo, lagana xaaltamo dhibaatadii dhacday.

Musharaxiinta warsaxaafadeedkaan soo saaray:

Musharax Mohamed Abdinur Hersi
Murashax Xaaji Maxmad Yaasiin
Musharax Ali Xaaji Warsame
Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Musharax Ali Xaaji Abdulle dhegoole
Musharax Abdullahi Aw Muuse
Musharax Cabdullahi Siciid Samatar
Musharax Axmed Cabaas Axmed Gacnagaab
Musharax Cabdullahi Sheekh Axmad
Musharax Shire Xaaji Faarax
Musharax C/raxmaan Sh Maxamed Gablax
Musharax Cabdidaahir Mohamed Yusuf Axmed
Musharax Maxamed Cali Yusuf
Musharax Cabdullahi Cali Mire
Murashax Saadiq Maxmad Enow

Wa billaahi

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>