Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maldives:War Deg deg ah:Puntland & Maldives oo heshiis kala saxiixday(Sawirro)

$
0
0

Maldives(pp)Waxaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibaddaa ee Waddanka Maldives, heshiis ku kala saxiixday Dawladda Puntland iyo Dawladda Maldivess. Heshiiskaas oo ku saabsanaa soo wareejinta afartan (40) dhallinyaro Somali ah oo dalka Maldives ku xirnaa illa iyo sannadkii 2009.

SaxiixHeshiiskan ayaa Dawladda Puntland waxaa u saxiixay Agaasimaha Guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda, mudane Abdirizak Mohamed Dirir (Ducaysane), halka Dawladda Maldives uu saxiixay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, mudane Hussein Hushie. Waxaa goob jog ahaa madasha heshiisku ka dhacayey, Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Maldives, marwo Duniah Mahmoud, iyo Saraakiil ka kala socotay UNODC iyo UNHCR.

Agaasimaha la-dagalanka Burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Ducaysane oo la hadlayay Puntlandpost ayaa soo dhaweeyay heshiiskaan cusub,wuxuna ku tilmaamay inuu qayb ka yahay dadaaladda ay Puntland ugu jirto sidii dhalinyarada dalka dibadiisa ku xiran loosii dayn lahaa,wuxuna sheegay howsha sii daynta dhalinyaradaasi afartanka gaaraysa uu soo bilaabay tan iyo 2010-kii hase yeeshee lagu guulaystay in dib loosoo celiyo.

Dhallinta dalkoodii loo soo celinayo, oo xoriyadoodii helay, ayaa waxaa soo qaadaysa diyaarad khaas ah oo ay soo kiraysey hay’adda UNODC, waxaana berri oo talaado ah, December 3, 2013, haddii Alle idmo laga soo dejin doonaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee Dawladda Puntland.

20131202_141646[1] 20131202_141252[1] 20131202_141303[1] 20131202_141436[1] 20131202_141450[1] 20131202_141511[1]

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>