Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu ku dhawaaqo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada,kaasoo oo walaac ka muujiyeen inta badan murashaxiinta xilka madaxtinimadda u taagan.
Wararka ay heshay Puntlandpost ayaa sheegaya madaxwaynaha inuu ku mashquulsan yahay soo magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ,kuwaasoo ka imaanaya gobaladda Puntland,waxaase jira saluug baahsan oo ay murashiintu arrintaasi ka muujiyeen,waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen inuusan madaxwaynaha Puntland xaq u lahayn inuu kaligiis guddigaasi magacaabo balse ay muhiim tahay in lagala tashado.
Murashaxiinta ayaa sheegay inaysan aqbali doonan haddii Cabdi-Raxmaan Farole uu talo galyo ka siinwaayo guddigaasi,balse arrinta sida wayn loo hadal hayo ayaa noqotay sababta ay u dib dhacday soo magacaabista guddigaasi oo sida la og yahay madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse uu soo magacaabay guddigaasi taariikhdu markay ahayd 15 Nov -2008.
Inkastoo aan la hubin xiliga guddigaasi lagu dhawaaqayo,hadana warar hoose ayaa sheegaya dowladda Puntland inay ku howlan tahay qorshe dib loogu qabanay magalada Laascaanood oo hadda mudo badani ay mamusho Somaliland,waxana kulamo xasaasi ah madaxtooyadda Puntland ku leh Madaxwayne Cabdi-Raxmaan,ku xigenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen.Siciid Dheere,balse kulamadaasi lama xaqiijin karo waxyaabaha looga hadlay.
Gen.Cabdisamad Cali Shire oo maalmo ka hor xili habeenimo ah ka baxay magalada Garowe ayaa la sheegayaa inuu dib ugu soo laabtay magalada,balse uu ku noqon doono Degmada Taleex.
Wararka kale ee aanu ka helayno dhanka Somaliland ayaa sheegaya ciidanka Somaliland inay feejignaan ka galeen tuhun ay ka muujiyeen in Puntland ay weerar kusoo qaado magalada Laascaano,.dad war gal ah oo ku sugan magalada Laascaanood ayaa shegaya inay arkayeen ciidan Somaliland ah oo hubaysan oo usoo dhaqaaqay dhanka Puntland.
Wararkaasi iyo waxyaabaha kusoo kordha kala soco Puntlandpost.com
Puntlandpost.com