Kismaayo: (pp)- Saacado kahor waxaa magaalada Kismaayo ka bilowday Shirar gaarsiisan heerkii Siyaasadeed, waxaana shir ay albaabadu u xiran yihiin yeeshay siyaasiyiin ay soo xusheen Jubbooyinka & Gedo , kuwaas oo kala ah , Gen Cali Madoobe, Prof. Gaandi, Aw-libaax iyo Gen. Darwiish, waxaana dhanka farsamada ka taageeraya Dr. Cumar C/rashiid oo isagu dhex-dhexaad ka ah arrimahan, laakiin la sheegayo inuu dhanka farsamada ka taageerayo masuuliyiinta Jubbooyinka & Gedo.
Dhamasy-tiro Xogtan: Dhamaystiro Xogtan Muhiimka ah:
Dhanka kale ayaa waxaa ka socda Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Saacid, Cilmimooge , Wasiirka warfaafinta, Wasiirka arrimaha Guddaha iyo kan gaashaandhiga , kuwaas oo ku jira gaba-gabadii xal ka gaaridaga arrimaha Jubbooyinka.
Masuuliyiinta is horfadhida ayaa kala wada hadafyo kala duwan , waxaana masuuliyiinta Jubbooyinka & Gedo matalaya ay hal mowqif ka taagan yihiin in loo madax banaaneeyo danahooda sida ku cad axdiga baarlamaaniga ah , halkam kuwa dowladu ay ku doodayaan inay si ku meel-gaar ah ay howsha u wadayaan iyaku, kaddibna ay kusoo wareejinayaan masuuliyada, arrinkaas oo ganafka ku dhifteen Masuuliyiinta Jubbooyinka & Gedo.
Su’aashu waxay tahay ma la is afgaran doonaa ,oo wax wanaagsan ayaa shirkaas ka soo baxaya , mise waa lagu kala tagayaa oo waa la kala danaysanayaa.
Waxaa kaloo xusid mudan in guddiga Jubbooyinka & Gedo matalaya ay isku aragti yihiin, halka kuwa dowlada loo maleeyo inay kalsooni qabin ay go’aan ku gaari karaan, waxaana magaalada Kismaayo taala Xan ah in Shaqo loo soo dhiibay oo aysan xor u ahayn ay la yimaadeen magaalada Kismaayo.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland