Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho:Saacid“Alle ha u naxariistee, Xil. Maxamed Warsame Maxamed wuxuu ahaa shaqsi nagu weyn”

$
0
0

Muqdisho(pp) Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo dhamaan xubnaha golaha Wasiirada, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Feysal) isaga oo xusay in xidhibaan Feysal uu ahaa shaqsi aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muhiim ah uga jiray howlaha Qaranka.

abdi-farah-shirdon-saaid-somaliRa’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed wuxuu ahaa xildhibaan karti leh, kuna dadaali jiray in ummadda Soomaliyeed ay ka soo kabato dhibaatooyinka kala duwan ee heysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale, si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka dalbay qeybaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan cidii ka dambeysay falkan lagu dilay xildhibaanka.

“Xildhibaan Feysal waxaa dishay gacan ka xaq daran, waxaana alle uga baryayaa inuu janadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo” ayuu yiri ugu dambeyntiina.

Xafiiska Ra’iisulwasaraha KMG ah ee Somalia.

Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>