Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Madaxwaynaha Puntland oo tacsi ka diray geeridii ku timi Beeljaadaha Rako-raaxo(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa tacsi ka diray geeri ku timi allaha u naxariistee Beeldaaja Axmed Beeldaaje Maxamed oo habeenimadii xalay ku geeriyooday degmad Rako-raaxo ee Gobalka Karkaar.

1Waxa  uu sheegay Farole inuu si fiican u yaqaanay Marxuum Axmed sidaasi darteedna uu tacsi u dirayo dhamaan ehelkii iyo dadkii uu ka geeriyooday,wuxuna alle uga baryay inuu Janatul-fardowso ka waraabiyo Beeldaajaha.

‘’waxaan uga tacsiyeynaa qoyskii uu ka baxay iyo umadda reer Puntland ayaan uga tacsiyeyneynaa, waxana Alle uga baryayaaa inuu u raxmado qoyskiisana samir iyo iiman ka siiyo” Ayii yiri madxweynuhu.

Madaxwaynaha Puntland ayaa tacsidaan u diray Qoyska Beeldaajaha xili uu ka duulayay maanta garoonka diyaaradaha magalada Garowe.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>