Jigjiga: Waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee Wiil Walaal Airport, Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan faroole iyo Wafdi uu hogaaminayey , waxaana Wafdiga Madaxweynaha Puntland soo dhoweeyey Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Golaha Fulinta Xukuumada DDSI.
Madaxweynaha Puntland ayaa Ubax Qadarin iyo Sharaf Mudan ay Qoorta ugu Galiyeen Gabdho u sii Diyaarsanaa soo dhoweyntiisa . Dhanka kale waxaa Iyaguna Door aad Qiimo badnaa ka Qaadanayay Soo Dhawaynta Garoonka Maanta Kooxda Liyuu-band ee Looga hadhay Ciyaaraha Dhaqanka,Hal-abuurka iyo Maansooyinka.
Madaxweyne Faroole ayaa waraysi Kooban ku bixiyay Garoonka, isagoona si wanaasgan uga mahad celiyay Soo Dhawaynta Qiimaha Badan ee ay u sameeyeen Madaxweynaha DDSI & Xukuumadiisa.
Sikastaba, Maalinka Axada ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ay ka dhacaan Bandhig aad u ballaaran oo ay qowdiyaha Ethiopia ay kusoo bandhigidoona Bandhigyo dhanka dhaqamada 9-ka qowmiyadood ee ku nool dalka Ethiopia , waxaana Bandhigaas furaya Raiisal Wasaaraha dalka Ethiopia iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana halkaas lagu casumay masuuliyiin kale oo ka socda gobolka.
Sawiro Kale
Puntlandpost.com