Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Toronto: Canada oo laga taageeray Madaxweyne Faroole, musharaxiintana lagu dardaarmay in ay Xasiloonida Illaaliyaan (Sawiro)

$
0
0

Canada: (pp)- Magaalada Toronto waxaa habaynkii Axadu soo galaysay taariikhduna ku beegnayd 7/12/2013,  lagu qabtay Xaflad aad u ballaaran si wanaagsana loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee jaaliyadaha soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland, iyo reer Jubaland.

Canada15Xafladaas oo lagu taageerayay Mudane Madaxwayne Dr Abdirahman Sh Mahamed Faroole, waxaa Xafladaas hadalo qiimo leh waxaa ka jeediyay Odayaasha, Aqoonyahanka, iyo wax gardaka jaaliyada rag iyo Dumarba looma kala harin Xafladaas.

Canada6Xafladaas oo miisaankeeda laga dareemayay labeenta jaaliayada oo xalay halkaas isugu timid ayaa waxaa aad looga sheekeeyay asaaskii Puntland gaar ahaan waxqabadkii Xukuumada hada talada haysa oo uu Hugaaminayo, Dr Faroole,dadka wajiyadooda waxaa ka muuqatay qiirad aad u ballaaran iyo dareen wadanimo.

Canada4Ugu dambayntii jaaliyadaha halkaas isugu yimid waxay ka codsadeen xildhibaanada Codka bixinaya inay codkooda ku taageeraan hormarinta Puntland codkana siisaan Dr faroole maadaama hawla badan uu soo qabtay marxalada maanta la marayana aad loogu baahanyahay, waxa ka dhimana lagala shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa.

Canada9

Halgamaa Cawad Xasharo

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen sida qurxda badan ee ay illaa hadda ku socoto ololaha iyo tartanka Doorashada waxay kula dardaarmeen Xukuumada, musharaxiinta in ay nabadgelyada illaaliyaan.

Canada20Xafladaas ayaa sidda la ogyahay waxaa ka hadlay siyaasyiin & Abwaano iyo Aqoonyahano , Waxgarad oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaa kaloo goobtaas soo caadiray siyaasiga weyn Cawada Casharo oo ka mid ahaa siyaasiyiintii wax ka dhisay Puntland , isla markaana si wanaagsan ugu soo halgamay Puntland.

Canada7Musharaxiinta kale, iyo shacabkaba ayey kulla dardaarmeen in ay nabadgelyada ka dhaqeeyaan wax kastana ka hor mariyaan lana shaqeeyaan laamaha aminiga ,  gaar ahaan gudiyada amniga caasimada xiliga doorashada.

Canada11Dhinaca musharaxiinta waxay kula dardaarmeen inay ka fogaadaan wax kasta oo xasarad iyo dad iska hor abuuri kara  inay ka feejignaadaan maadaama xilli xasaasi ah la marayo,ayagoo sidoo kale ballan qaaday inay si buuxda u taageerayaan cid kasta oo doorashadaas ku soo baxda.

Daawo Sawiro kale

Canada2Canada.1Canada8Canada7Canada3Canada10Canada12Canada13Canada14Canada19Canada18Canada16

 

Mahmud Ahmed

Canada, Toronto

Faafinta: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>