Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Guddiyada ciyaaraha kala duwan ee Pl oo la magacaabay(Sawirro&dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp)  Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdule ayaa si ku meel gaar ah waxa uu u magacaabay guddiyada ciyaaraha kala duwan ee Puntland,ka dib markii codsiyo ay  soo gaarsiiyeen xafiiskiisa gudoomiyaasha ciyaaraha Puntland.

Hadaba kulan lagu soo bandhigayo guddiyada uu wasiirka magacaabay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Hotel New Rays ee magalada Garowe,waxana goob joog ka ahaa Xoghayaha guud ee guddiga Olambikadda Somalia ”GOS” Duraan Axmed Faarax,masuuliyiinta ciyaaraha Gobaladda Puntland iyo dhalinyaradda xiisaysa ciyaaraha kala duwan,waxana goobta laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo xanbaarsan in kor loo qaado ciyaaraha wadanka oo meel la iska dhigo in lagu jeesto waxyaabo kale oo aan dani ku jirin.

Muuse Cabdiraxmaan Majacase oo ku hadlayay afka gudomiyaasha ciyaaraha Puntland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin guddiyada la magacabaay,kuwaasoo uu ku sheegay inay wax badan ka tari doonaan habsami u socodka iyo hiigsiga ah in meel wanaagsan ciyaaraha dalka laga gaaro.

Saddexda guddi ayuu goobta Majacase ka akhiriyay kuwaasoo kala ah.

 
Xiriirka Kubadda Cagta.
1:Sayid Axmed Maxamed Gudoomiye.
2:Maxamed Maxamuud Xuseen Gudoomiye ku xigeen.
3:C/Nasiir  Bedel Khalaf  Xoghayaha.

 
Xiriirka kubadda Kolayga.
1:Maxamed Maxamuud Cali  Gudoomiye
2:Khaddar Maxamuud Daahir Xoghayaha.

 
Xiriirka Ciyaaraha Fudud.
1:Maxamed Maxamuud Axmed  Gudoomiye.
2:Ilyaas Cabdi Nuur     Gudoomiye ku xigeen.
3:Madina Cabdi Gaab     Xoghayaha.

Sidoo kale inta aan guddiyadaan la magacaabay ayuu Duraan Axmed Faarax kulan gaar ah magalada Garowe kula qaatay Gudoomiyaasha Sportsk-ka Puntland,waxana kulanka la isku-waydaarsaday arrimo badan oo ku aadan sida ciyaaraha Puntland loo hormarin karo iyo meelaha ay gaabku uu ka jiro,waxana ugu dabayntii la isku raacay marka hore in la dhiso guddiyada ciyaaraha si howsha loo wada qabto.

Duuraan Axmed Faarax oo ah Xoghayaha guud ee guddiga Olambikadda Somalai ee GOS ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee guddiyada loo magacaabay,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay ciyaaraha dalka in la dhiso si loo helo xirfad-yahano ku shaqaysta ciyaaraha caalamka laga dheelo.

Mudane Duraan waxa uu sheegay Guddiga Olambikadda Somalia uu ka go’an yahay hormarinta ciyaaraha taasoo uu ku sheegay inay tahay shaqadooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu soo maray magalada Kismaayo,halkaasna uu kulan kula qaatay bahda Sportiska Gobalka Jubbadda hoose,waxa uu sheegay Jubadda hoose inay u diyaarsan tahay hormarinta ciyaaraha.

Tan iyo wixii ka danbeeyay bur-burkii dalka ka dhacay ma jirin heer wanaagsanoo laga gaaray ciyaaraha kala duwan ee dalka,waxaase hadda muuqda rajo wanaagsan oo laga qabo in dib u bahayn lagu  sameeyo ciyaaraha dalkeena.

 

1 2 3 4 5 6 7

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles