Garowe(pp) Guddiga culimadda ee taakulaynta qoysaskii ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee bishii hore ka da’ay Gobalka Nugaal ayaa gudo galay wajiga labaad ee caawinta dadkaasi.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimadda sida aadka ah isugu howshay caawinta qoysaska cayroobay ayaa sheegay Musasada Al-minhaaj inay hadda gacanta ku hayso xoolo ari ah oo gaaraya 15-kun oo neef kuwaasoo loogu talo galay in loo qaybiyo in ka badan 300-oo qoys oo loo aqoonsaday inay yihiin dadkuu ku hanti beelay duufaanta.
Waxa uu sidoo kale Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf sheegay dhaqaalaha lagu gaday xoolaha intaasi leeg inay soo gaarsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda,ayna wali ku mashquulsan yihiin sidii gurmadkaasi loo gaarsiin lahaa,wuxuna sheegay qoysaska inay hadda haystaan raashin iyo meel ay habeenkii ku hoydaan balse arrinta ka maqan ay tahay xoolo.
Qoysaska Cayroobay ayuu sheegay in dib loogu celin doono deegaanadii ay kasoo barakaceen si nolashooda danbe loo bad baadiyo,wuxuna ku baaqan in si deg deg ah qoysaska loogu sameeyo dib u dajin.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe