Baran(pp) Murashax Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta gaaray magalada Baran ee xarunta Gobalka Sanaag ayaa khudbad u jeediyay dad-wayne soo dhawayntiisa ka qayb galay.
Murashax Gaas ayaa si mal-dahan uga hadlay dhaleecayntii uu shalay usoo jeediyay madaxwaynaha Puntlad Cabdi-Raxmaan Farole taasoo ahayn inuu been-low yahay Gaas isimadda Puntlandna isku diray,wuxuna sheegay inuusan u jawaabi doonan Farole balse ay xiliga doorashada u jawaabi doonan dadka Puntland.
”Adeerkey Cabdiraxman Shalay waa uu Khudbeeyey hadalkii u yiri aniga ka Jawaabi maayo Laakin Baran iyo Puntland ayaa ka Jawaabi doonto 8 Janaayo 2014″
Cabdi-Raxmaan Farole ayaa Murashax Gaas ku eedeeyay inuusan waxba u qaban Puntland xiligii uu Ra’iisulwasaare ka ahaa xukumadii tan hadda jiraa ka horaysay ee KMG-ka ahayd,wuxuna ku tilmaamay inuu yahay shaqsi ku faano wuxuusan qaban taas badalkeena uu ka jawaabayo.
Inkastoo dhaliishaasi uuusan Gaas si hufan uga jawaabin ,hadana dadka falanqeeya siyaada Puntland ayaa tilmaamaya inay keeni karto dhibaato hor leh,maadama Gaas uu saamayn wayn ku lee yahay siyaasadda Puntland, Cabdiraxmaan Farolena uu wali yahay madaxwaynaha Puntland.
Mana jiro isi soo dhowaansho labada dhinac ah,waxaase la is-waydiinayaa halka uu ku danbayn karo khilaafka labada masuul u dhaxeeya,kaasoo dadku ay ku tilmaameen inuu soo bilowday billo ka hor,maadama Gaas uu socdaal ku maray deegaanadda Puntland sheegayna Puntland inay bad baadin u baahan tahay.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe