Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho: C/weli Sheekh Axmed oo loo magacaabay Ra,iisul wasaaraha cusub ee Somaliya

$
0
0

Muqdisho(PP): Madaxweynaha Soomaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa goor dhoweed magacaabay Ra,iisul wasaraha cusub ee somaliya, kaasi oo lagu magacaabo C/weli Sheekh Axmed Maxamed .

Ninkaan loo magacabay Ra,iisul wasaraha ayaa sacadihii lasoo dhafay lahal hayay, waxaana uu bedeli doonaa Cabdi faaraxa Shirdoon oo isaga xilkiisa ku waayay mooshin ay kakeenayn Baarlamanka Soomaliya.

Agaasimaha Madaxtooyada Kamaal Gutale  ayaa gudaha madooxtoyada saxaafada ugu akhriyay warqada kasoo baxday madaweyne Xasan ee lagusoo magacaabay Ra,iisul wasaraha cusub C/weli Sheekh Axmed Maxamed .

C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo magacaabistiisa kadib lahadlay saxaafada ayaa sheegay inuu xooga saari doono  barnaamijka hiigsiga cusub ee New Deal.

Ra,iisul wasaraha lamagacabay ayaa lasoo shaqeeyay Bankiga islaamka, isagoona siweyn ubartay kuliyada dhaqaalaha, waxaana uu haystaa dhalashada dalka Canada.

Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>