Garowe(pp)Waxaa maanta duleedka tuulada Qarxis oo ka tirsan Gobalka Nugaal loogu qaybiyay 672-qoys xoolo gaaraya 15-kun oo neefoo ari ah,kuwaasoo loogu talo galay in lagu samata-bixiyo nolashooda,maadama roobabkii duufaanta watay ay saamayn ku reebtay.
Madaxwaynaha Puntland,Isimo,Culimo,waxgarad iyo mu’asasada al-minjaah ayaa ka qayb galay xoolo qaybinta loo sameeyay qoysaska cayroobay,waxana loo kala saaray labo waji,Qoysas cayroobey ah iyo kuwo ku xigo oo xoolo yari u hareen.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo gudoomiye u ah guddiga culimadda ee taakulaynta qoysaska cayroobay ayaa sheegay xoolaha qoysaska loo qaybiyay inay qayb ka yihiin xoolaynta dadka cayrta ah ee duufaantu halakaysay,wuxuna sheegay dhaqaalaha lagu soo gaday xoolahaani inuu gaarayo Halmayn iyo boqol kun oo doolar,lacagta ayuu sheegay inay soo dhiibeen dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku nool.
Shiikh Maxamuud Xaaji waxa uu ammaanay Al-minhaaj oo door wanaagsan ka qaatay sidii dadka cayroobay loo caawin lahaa,wuxuna sheegay howsha xoolaha lagu soo gaday inay gacanta ku hayana,ayna ku mahad san yihiin howsha ay qabteen.
Waxa uu sheegay lix goobood in lagu qaybinayo xoolaha,qoyskii aan wax xoole ahna la hayn la siin doono kon neef oo ari ah,kuwo kale ee xoolaha u harayna loogu dari doono xoolo kale.
Qaar ka mid ah Odayaashii deegaanka ayaa soo dhaweeyay xoolaha loo qaybinayo qoysaska cayroobey,waxayna xukumada,isimadda iyo culimadda ku amaaneen sida wanaagsan ee ay dadkooda ugu soo gurmadeen.
Suldan Siciid Maxamed Garaase iyo waliba Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo munaasibadda xoolaha dadka cayroobay loogu qaybinayay ka hadlay ayaa sheegay arrintaan inay tahay mid wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay isku asxaan fallaan,kana qayb qaataan markay masiibo timaado sida tii qoysaska reer guuraaga ahi ku dhacday,waxayna alle uga baryeen xoolaha yar ee qoysaska la siiyay inuu iga dhigo kuwo anfac leh oo booskooda u biixiya kuwii duufaanta ay ka laysay.
Dadka degan Gobalka Nugaal oo horay loogu baaqay inay toban kun oo neef iska soo aruuriyaan ayuu Suldaan Siciid Maxamed Garaase mar kale ku celiyay inay soo da-dajiyaan xoolahaasi si dadka ay dib u dajin ugu noqoto.
Shiikh Daahir Ow-Cabdi ayaa sheegay inaysan wali soo gaarin culimadda halkii malyan ee ay dowladda dhexe ee Somalia ugu deeqday qoysaska,wuxuna sheegay in looga baahan yahay ka dhabaynta balanqaadka ay sameeyeen madaxda umadda Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo xafladda xoolo qaybinta soo xiray ayaa soo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa,wuxuna sheegay umadda Soomaaliyeed inay is-jecel yihiin oo ay isku gurmadaan markay dhibaato dhacda.
Waxa uu sheegay Farole inay farxad tahay in la bilaabo qaybinta xoolaha,wuxuna ammaan usoo jeediyay Al-minhaaj iyo culimadda oo har iyo habeen u taagnaa sidii dadka Soomaaliyeed loogu wacyi galin lahaa caawinta walaalahooda tabaalaysan.
