Garowe(pp)Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay magacaabista ra’iisulwasaraha cusub Mudane Cabdiwali Axmed Maxamed.
Gaas waxa uu sheegay ra’isulwasaare Cabdiwali Shiikh Axmed inuu yahay shaqsi wanaagsan oo kasoo bixi kara xilka loo magacaabay wuxuna alle uga baryay inuu la garab galo howsha loo igmaday.
”Waxaan u malaynayaa magaca Cabdiwali laguma qasaari jirine inaan isagana lagu qasaarin ayaan filayaa”Gaas ayaa sidaasi saxaada u sheegay maanta xili uu kasoo laabtay safar uu Sanaag ku tagay.
Ra’iisulwasaraha cusub ayaa lagu wadaa dhowaan inuu xilka kala wareego ra’iisulwasaarihii hore ee baarlamaanku uu kalsoonidi kala noqday Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe