Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Taliyaha guud ee ciidanka Pl oo ka hadlay ammaanka Caasumadda(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Gudoomiyaha guddiga sare ee amniga Puntland Sareeye guud Siciid Maxamed Xirsi oo maanta ka qayb galay kulan ammnaaka caasuamdda looga hadlayay oo ka dhacay hoolka shirarka Gobalka ayaa tilmaamay magalada Garowe inay tahay hooyadda Puntland oo xushmad looga baahan yahay inay siiso dadka imaanaya.
Gen.Siciid DhereTaliye Siciid Dheere waxa uu sheegay marka hore shacabka magalada Garowe in looga baahan yahay i diyaar garowga doorashada madaxtiniamdda Puntland iyo waliba sidii loosoo dhawayn lahaa dad-yowga imaanaya magalada ee iskugu jira murashaxiin iyo dad doonaya inay doorashada la socdaan.
Waxa uu Gen.Siciid Dheere kula dardaarmay shacabka magalada inay xil gooniya iska saaraan ammaanka xaafadooda oo ay kuwoo wargaliyeen laamaha ammaanka cida ay ka shakiyaan,wuxuna sidoo kale sheegay inay waajib tahay dadku inay alle isku xiraan oo ay aaminaan wax kasta oo xag alle ka imaanaya.
Hadalkaan kasoo baxay Taliyaha ciidanka Puntland Gen,Siciid Dheere ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili ciidanka ammaanka ay habeen iyo maalin howlgalo amniga lagu sugayo ay ka bilaabeen dhamaan xaafadaha Garowe.

 

Mobil ahaan u dhagayso

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>