Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:” Qaarbaan Maqlayey leh Caasimadda Geli mayno ilaa naloo ogolado 20 Tikniko ah & Maleeshiyaad” Madaxweyne Faroole.

$
0
0

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in aanay aqbalidoonin in musharixiintu la yimadaan Caasimadda Ciidan iyo tikniko, iyadoo isla markaana ay xil iska saartay dowladu ilaalinta Nabadgelyadda Magaalo madaxda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Faroole mar uu arrimaha ka hadlayey waxaa uu yiri “Puntland dadkeeda oo dhan waxay rabaan in ay u tartamaan Madaxweyne & Madaxweyne kuxigeen, fiican in shaqooyinka kale loo tartamo tana waa loo tartami karaa”.

“Qaarbaan maqlayey soo geli mayno leh , hadaan naloo ogolaan 20 tikniko ah, mooryaan & burcadbadeed, adeer meshaan waxaa jooga dad nadiif ah imisa qof oo ajnabi ah ayaa jooga oo nabadgelyo ku seexda, cidna laga yeeli maayo adeer yaa lala dagalamayaa , meshaan waa amaan, yaa lala dirirayaa caqliga allaha usoo celiyo dadka, nimanka musharixiinta ahna xil ha iska sareen sidii nabadgelyada looga wada shaqayn lahaa “C/raxman Faroole.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu jeediyey xilli uu ka qaybgalayey furitanka TV ga Puntland qaybtiisa Maxaliga ah, waxaana maanta ciidanka amnigu celiyeen Musharax Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah Shakhsiyaadka u tartamaya Xilka Madaxweynenimadda Puntland ee doorashadda soo socota 2014 bisha fooda inagu soo haysa ee Janaayo hadii allaha idmo.

Allsomalinews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>