Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:War deg deg ah.Sagaal murashax oo Garowe shir ku yeeshay

$
0
0

Garowe(pp)Sagaal murashax oo ka mid ah ragga u taagan xilka madaxtinimadda dowladda Puntland ayaa maanta shir albaabadu u xiran yahay ku qaatay hoolka shirarka Hotelka Rayaan bark.

15Shirka oo aan ilaa iyo hada xog badan laga ahayn ayaa waxa uu salka ku hayaa sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka agdhow,arrimaha doorashada iyo la kulanka madaxwaynaha Puntland maalmaha soo socda maadama wali lagu kala aragti duwan yahay guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashadda.

Ragga ka muuqday shirka oo laga dheehan karayn hadalkooda inuu kulul yahay waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Shire Xaaji Faarax oo maalinkii shalay Garowe soo gaaray.

Ammaanka hotelka ay ku shirayeen murashaxiinta ayaa waxaa adkeeyay ciidanka dowladda iyo kuwo la socday murashaxiinta,waxana la sheegay inaan loo baah nayan wax saxaafadda ah oo war ka duubto shirkooda.

Puntlandpost waxaa u suurta gashay inay ogaado magacyadda murashaxiinta Garowe ku shiray waxayna kala yihiin.

1:Dr.Cabdiwali Maxamd Cali Gaas.
2:Shire Xaaji Faarax
3:Cali Xaaji Warsame.
4:Maxamed Cabdinuur Xirsi.
5:Cali Cabdi Awaare.
6:Cabdidaahir Maxamed Yuusug.
7:Cali Xaaji Cabdulle.
8:Cabdilaahi Dheere.
9:Cabdiwali Maxamuud Guray.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>