Boosaaso: (pp)- Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta Shaacisay inay wax ka badelayso Jiifarada Sim-Card-ka Mobilka ayna Lambar ku kordhisay Sim-Card-keeda, Masuuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta Shirkadda ee Magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegeen inay hal jifar ku kordhiyeen Lambarada Sim-Card-ka Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis.
Dhagayso:- Codka Maareeye Ku-xigeenka Golis
Waxaa kamid ahaa Masuuliyiintii Shirka Jaraaid ka hadlay Mareeye Ku-xigeen Golis Saciid Aadan Axmed, Hogaanka Ganacsiga ee Shirkadda Golis Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq), Hogaanka Suuqgeynta C/raxmaan C/llaahi Jaamac (Dayax) iyo weliba masuuliyiin kale oo katirsan shirkadan waxayna sheegeen in Lambarkan loogu daray sababo la xiriira macaamiisha isticmaala Sim-Card-ka Golis oo si aada u balaartay ayna daruufto keentay in Lambarkan lagu kordhiyo Lamabarada Sim-Card-ka si halkaas looga sii wado adeega balaaran ee ay shirkadu u hayso macaamiisheeda.
Lambarka Shirkadda Golis oo horay u ahaa 6-jiifar ayaa iminka waxaa laga dhigay 7-jiifar iyadoo laga hormariyey Lambar 7-, Wixii Beri ka dambeeya marka dibada ama gudaha laga soo wacaayo Mobilka Golis waxaa lagu soo galaayaa +252 90 7 X X X X X X. Halka uu horay ka ahaa +252 90 X X X X X X.
Shirkadda Golis ayaa ah tan ugu balaaran degaanada Puntland iyo weliba Soomaaliya waxayna maalinba maalinta ka dambaysay samaynaysa horumar aan la qiyaasi karin iyadoo si isdabajoog ah usoo kordhisa adeegyo cusub oo ay uga faaidaynayso bulshadeeda waxaana kamid ah adeegyadii ugu dambeeyey Adeega Internetka Mobilada,3G, Ku-naso ,Afgarad iyo kuwo kale waxayna tani muujinaysa sida ay Shirkadu ugu dadaalayso inay mar walba qanciso Macaamiisheeda, Waana tan kaliftay inay noqoto Shirkadda loogu isticmaalka badan yahay.
Dhagayso:- Codka Hogaanka Ganacsiga Golis
puntlandpost.com