Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Hay’adda PDRC oo kulan amniga ku saabsan u qabatay xaafadaha Garowe(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa maalinkii shalay hoolka shirarka xarunta Gobalka Shir ammaanka caasumadda looga hadlayo ugu qabatay laamaha ammaanka xaafadaha,gudoomiyaasha 8-xaafadood,mamulka Gobalka kan degmada ciidanka ammaanka iyo saraakiisha amniga,waxana laga soo jeediyay inta uu socday khudbado kala duwan oo dhamaantood xanbaarsan sidii ammaanka looga wada shaqayn lahaa isla markasna gacan bir ah logu qaban lahaa cadowga Puntland kusoo duulay.

5Gudoomiyaha gobalka Nugaal oo shirkaan wax kasoo qaban qaabiyay ayaa ka waramay ahmiyadda ay nabadu shacabka u lee dahay,wuxuna sheegay inay waajib tahay qof kasta inuu masuuliyad gooni ah amniga iska saaro oo il-gaar ah ku hayo dadka doonaya inay doorashada dhibaateeyaan,wuxuna kula dardaarmay dhalinyaradda iyo haweenka inay habeen iyo maalin amniga ka shaqayntiisa usoo jeedaan.

Taliyaha ciidanka daraawiisha ahna gudoomiyaha guddiga amniga doorashada Sareeye guute Siciid Maxamed Xirsi ayaa dhankiisha sheegay inay marka hore haboon tahay qof kasta inuu ammaanka xaafadiisa ka shaqeeya ka dibna usoo jeesto amniga magalada iyo xaafadaha kale,wuxuna sheegay ka ciidan ahaan inay masuuliyad shacbaku amniga ka saaran yahay xili kastana ay heegan ugu jiraan war bixinadda ay shacabka ciidanka soo gaarsiinayaan.

Nabadoono waxgarad,haween iyo dhalinyradda shirkaasi ka hadlay ayaa muujiyay inay dadaal u gali doonaan sidii amniga caasumadda looga shaqayn lahaa,waxayna hay’adda PDRC uga mahad celiyaan sida wanaagsan oo ay had iyo goor ugu heelan tahay ku wacyi galinta shacabka iyo dowladda wax wada qabsiga iyo amniga.

Qabashada kulankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili si wayn magalada Garowe iyo guud ahaan deeganadda Puntland looga hadal hayo qabsoomida doorashada,waxana magalada wali kusoo qul-qulaya murashaxiinta xilka ugu sareeya isku soo taagay.

7 6 4 3 2 1 8

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>