Garowe(pp) Waxaa maantey magalada Garowe xarunta Dowladda Puntland ka fursamay shirka isimada Puntland oo horay loo iclaamiyay,waxana kasoo qayb galay 27-Isimo oo gobaladda ka kala socday.
Fadhiga isimada oo la sheegay inuu socon doono inta doorashada laga dhamaynayo ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Suldaan Siciid Maxamed Garaase,wuxuna Suldaanka oo saxaafadda la hadlay sheegay shirkooda inuu yahay koodii ay yeelan jireen marka la galayo doorashada,ayna kaga arrinsan doonaan muujinta doorkooda ku aadan doorashadda.
Suldaan Siciid ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan isiamdda ,wadahalka ay dhowaan yeelan doonan madaxwyanaha Puntland iyo murashaxiinta kaasoo ka dhacaya xarunta madaxtooyadda.
Bilowga shirka ayaa waxaa sidoo kale saxaafada loo akhriyay bayaan isimadda kasoo baxay oo lagu muujinayo marxaladda lagu jiro iyo siday ay isimadu uga qayb gali doonan arrinta taagan,waxana saxafadda u akhriyay Suldaan Bashiir Muuse Koonte.
Bayaanka ayaa u qornaa sida tan.
1:Isimadu waxay go’aamiyeen fadhiga isimada inuu si joogta u socdo inta lagu jiro marxalada kala guurka
Isimadda waxay soo dhawaynayaan inay wada kulmaan murashaxiinta iyo madaxwaynaha talada haye ee murashax ah,waxayna dhiiri galinayaan is-araga iyo wada hadalka murashaxiinta iyo madaxwaynaha.
isimadu waxay rajaynayaan kulanka murashaxiinta iyo madaxwaynaha inuu ku dhamaado is-afgarad iyo isu tanaasul iyo wixii dan u ah dalka iyo dadka.
Isimadu waxay ugu baaqayaan umadda reer Puntland inay foogjinaadaan kana qayb qaataan amniga iyo xasiloonida si ay doorashadu noogu dhacdo jawi degan.
Isimadu waxay gu’doomiyeen in la dhiso guddi isimo ah oo u xilsaaran kormeerka doorashada iyo xiriirka isimada, isimada kalena marjac u yihiin ayna la gudoomin doonan wixii go’aamo ah,waxaana guddigaasi lagu saleeyay gobaladda waxayna kala yihiin.
:Gobalka Nugaal. Islaan Ciise Islaan Maxamed Shir gudoon.
:Gobalka Bari. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
:Gobalka Karkaar Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin
:Gobalka Mudug. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac.
:Gobalka Gaardufuu. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
:Gobalka Sanaag. Garaad Cabdilaahi Cali Ciid
:Gobalka Haylaan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.
:Gobalka Cayn. Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.
:Xoghaye Suldaan Muuse Koonte.
Isimadda shirka goobjooga ka ahaa waxay kala yihiin.
1:Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
2:Suldaan Bashiir Muuse Koonte
3:Boqor Cabdulaahi Axmed Cali
4:Suldaan Siciid Max’ed Garaase
5:Garaad Max’ed Cilmi Shirwac
6:Suldaan Max’ed Axmed Cabdulle
7:Beeldaaje Ismaciil beeldaaje Yaasiin
8:Suldaan Subayr Xaaji Max’ed
9:Ugaas C/xakiin Nuur Faarax
10:Suldaan Max’ud Xasan Cumar
11:Suldaan Max’ed Suldaan Cabdilaahi Cartan
12:Ku ismaha Ugaaska Cali Geelle
13:Ugaas Ibraahim Cali Shibiin
14:Caaqil max’ud Xaaji Cumar
15:Amiir Max’ud Yuusuf Ciise
16:Suldaan Daahir Maxamed Muuse/
17:Garaad Cabdilaahi Cali Ciid.
18:Boqor Cumar Ismaaciil Sanwalood.
19:Suldaan Daahir Suldaan Soote.
20:Garaad Cabdilaahi Maxamuud Tamaam.
21:Suldaan Khaalid Abshir.
22:Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Filig.
23:Suldaan Cabdilaahi Axmed Nuur.
24:Suldaan Siciid Maxamed Irbad.
25:Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin.
26:Suldaan Cabdilaahi Saalax Jeenacad.
27:Suldaan Aadan Guuleed.
Halkan hoose ka dhagayso codadka shirka laga jeediyay
Mobil ahaan u dhagayso-
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe