Garowe(pp) Isimadda Puntland ayaa ku mashquulsan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka dhexyaala xukumadda iyo murashaxiinta ,kaasoo salka ku haya magacaabista guddiga ansixinta khilaafaadka.
Murashaxiinta oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay helitaanka dad dhex-dhaxaadiya dowladda iyo murashaxiinta,si loosoo afjaro khilaafka taagan.
Gudoomiyaha murashaxiinta Puntland Gen.Cabdilaahi Siciid Samater ayaa sheegay inay doonayaan doorasho xor iyo xalaal ah,sidaasi darteedna loo baahan yahay isimadda iyo ganacsatada inay doorkooda muujiyaan.
Isimadda intooda joogta magalada Garowe ayaa maanta ku shirsanaa xarunta PDRC,waxayna horay u sheegeen haddii wax natiijo ah kasoo bixi waayo kulanka murashaxiinta ay doorkooda bilaabi doonan iyo sidii loo dhamayn lahaa arrinta la isku hayo.
Murashaxiinta ayaa dhankooda wada kulamo kala duwan oo ay arrinta taagan uga hadlayaan.
Doorashada madaxtiniamdda Puntland ayaa waxaa ka dhiman maalmo kooban,ilaa iyo hadana ma muuqata dhex-dhaxaadin labada dhinac u dhaxaysa,dowladda ayaa sheegtay inaan marnaba laga doodi dooni karin guddiga ansixinta khilaafaadka halka murashaxiintuna ay wali ku dhagan yihiin inuusan xaq u lahayd Farole kaligiid inuu magacaabo.
Inta badan murashaxiinta ayaa ku sugan magalada Garowe,waxana si wayn loo adkeeyay ammaanka.
Maalmahaan soo socda ayaa lagu wadaa in la dhameeyo khilaafta taagan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe