(War-saxaafadeed) Shirkada Isgaarsiinta Golis ayaa shaqo ka qabatay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Gaalkaco, iyadoona garoonka ay ka dhiseen Biraha Goolasha oo ay horay u jabiyeen dhalainyaro bahda Ciyaaraha Gobolka Mudug ka tirsan.
Jabinta Birahaan ayaa waxaa ay keentay in mudo bil & bar ah aan Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee kubada Cagta Cawaale aan lugu samayan Ciyaaro, iyadoona Golis ay hataan Garoonka galisay biro cujsub oo u diyaarsan hab caalami ah.
Munaasab kooban oo galabta lugu qabtay garoonka kubada Cagta Gaalkacyo ee Caawaale, ayaa waxaa si kooban loogu soo bandhigay hawsha Golis qabatay, iyadoona Bahda Cayaaraha Gobolka Mudug ay sheegeen in ay ku Faraxsanyihiin talaabada ay qaadeenw axaana ay shirkadaha kale ee Gobolka ku dhiiro galiyeen in hawshaas oo kale ay qabtaan dhankooda.
Shirkada Golis Gaalkacyo ayaa waxaa mada ka Joogay Masuuliyiin ay kamid ahaayeen Maareeye Xigeenka Golis Gaalkacyo Maxamed Ciise Cismaan, iyo Madaxa suuq gayanta Golis gaalkacyo Maxamed Maxamuud Muuse indho koombe, iyadoona ay bogaadiyeen bahda Ciyaaraha & doorkooda.
Maareeye Xigeenka Golis Gaalkacyo Maxamed Ciise Cismaan oo Munaasabada kooban hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shirkada Golis aysan waxba qaban yoolkeeduna yahay in labalaariyo Hawlaha ay shirkadu u qabanayso bahda Ciyaaraha.
Maareeye Xigeenka Golis Gaalkacyo Maxamed Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in in Golis ay Caawinayso bahda Ciyaaraha Gobolka Mudug, Puntland & Soomaaliya, isagoona sheegay in Golis ay Bulshada wax u qabatay haatana u qabanayso.
Ciyaar Xiiso badan ayaa Madasha lugu soo bandhigay gabo gabadii, taas oo lugu maamuusayay shaqada ay Shirkada Golis ka qabatay Garoonka Kubada Cagta ee Cawaale oo loogu magacdaray Halgamaagii Soomaaliyeed ee Calanka Soomaaliya alifay Maxamed Cawaale Liibaan.
Puntlandpost.com