Garowe(pp) Siyaasi Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka mid ah ragga sida aadka ah isha uga haya khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Puntland iyo murashaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimadda 8-Janaayo ayaa maanta markii ugu horaysay kulan gaar ah la qaatay madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole,ka dib markuu fashilmay shirkii shalay.
Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku hanwayn yahay in si wanaagsan oo hufan lagu dhameeyo khilaafka murashaxiinta iyo dowladda u dhaxeeya,kaasoo salka ku haya magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada.
Waxa kale uu sheegay Siyaasi Diiriye inuu maanta kulan kala la qaatay qaar ka mid ah ragga xilka madaxtooyadda u tartamaya,wuxuna sheegay inay soo baxayso yididiilo wanaagsan oo arrinta taagan soo afjaraysa,isagoo fariin gaaban Nuuradiin Aadan Diiriye soo dhigay boga shacabku ku wada xariiraan ee Facebook,ayuu yiri.
”waxaan kulamo wax ku ool ah laqaatay maanta madaxweynaha Puntland iyo dhawr musharax oo kamid ragga u tartamay xilka madxweynenimo ee Puntland”.
”waxaan jeexnay wado lagu soo afjari karo isfahanwaaga taagan, waan sii wadaynaa dedaalada inta laga gaarayo isfahan iyo xal nabadeed”.
Marka laga tago dadaalka ballaaran uu wada Nuuradiin ayaa waxaa jira mid kaas ka sii wayn oo ay wadaan Isimadda Puntland,wararka soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay wada kulmi doonan isimadda iyo murashaxiinta si loosii jeexo wado xal nabadeed iyo is-fahan wadata.
Si kastaba xaaladu ha ahaatee ammaanka Caasumadda ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana jira ciidamo kala duwan oo ku wareegaya xaafadaha kuwaasoo il-dheer u leh la socodka dhaq-dhaqaayadda magalada ku cusub.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe