Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Salaadiin ka socota Gobalka Mudug oo maanta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe(Sawirro&dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa maanta magalada Garowe xarunta dowladda Puntland lagu soo dhaweeyay Salaadiin ka socota Gobalka Mudug,kuwaasoo qayb ka ah sidii loo dhamayn lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo murashaxiinta xil raadiska ah.

7Salaadiinta magalada soo gaaray ayaa kala ah Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire Faray,Suldaan Cabdiqani Xasan Xaaji Cilmi,Suldaan Maxamed Maxmauud Cilmi iyo Caaqil Cali Siciid Maxamed,waxana duleedka koonfureed ee magalada uga hortagay Odayaal,ganacsato iyo masuuliyiin kale.

1Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire Faray oo warbaahinta kula hadlay hotelka Towfiiq ayaa sheegay inay marka hore ku faraxsan yihiin imaanshahooda magalada Garowe,ayna soo dhawayn wanaagsan kala kulmeen dadka Garowe.

Isinka ayaa sheegay socdaalkooda Garowe inuu salka ku hayo sidii loo dhamayn lahaa arrimaha taagan ee sida wayn Puntland looga hadal hayo,wuxuna sheegay isimadda Puntland inay yihiin dad xili kasta u taagan dhamaynta khilaafyadda iyo colaad dilaac iyo sidii shacabka Soomaaliyeed midnimo iyo wada jir ugu wada noolaan lahaayeen.

Suldaan Cabdirashiid ayaa sheegay inay wax kasta ka muhiimsan tahay amniga,sidaasi darteedna qof kasta oo Puntland jooga looga baahan yahay inuu xil gaar ah iska saaro ka shaqaynta amniga iyo waxyaabaha lama taabtaanka ah.

Sidoo kale maalinkii shalay waxaa magalada soo gaaray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Faarax,wuxuna sheegay inay ku mashquuli doonan sidii loo dhex-dhaxaadin lahaa waxyaabaha ay murashaxiinta isku mari la yihiin.

Wararka sida wayn loo hadal hayo ayaa ah kulamadda ay isimadda la qaadanayaan madaxda dowladda iyo murashaxiinta,iyo natiijada kasoo bixi karta,waxana sidoo kale dadaalo dhex-dhaxaadin ah wada Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka socda xafiiska QM ee Somalia.

 

Mobil ahaan u dhagayso-Suldaan Cabdirashiid

3 2 11 10 9 8 7 6 5 4 7

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>