Garowe(pp) Cabdiwali Maxmauud Guray oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxtiniamdda dowladda Puntland ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta gudaha waxa uu kaga waramay himilooyinka uu tiigsanayo haddii uu madaxwayne noqdo 8-Janaao ee 2014-ka.
Waxa uu sheegay Mudane Cabdiwali inuu si wayn ugu hanwayn yahay inuu xilka madaxwaynaha ku guulayso,dadka reer Puntland uu wax badan u qaban doono.
Murashax Cabdiwali ayaa sheegay doorashadda inay ku dhici doonto si xor iyo xalaa lah isla markasna lagu wada qanacsan yahay.
Waraysiga uu bixiyay masuulkaasi ayuu sidoo kale kaga sheekeeyay waxyaabaha u qorshaysay haddii uu xilkaasi ku guulaysto,wuxuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay khilaafka taagan in lagu dhameeyo wada-hadal door wanaagsanna ay ka qaadan doonan Isimadda.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe