Garowe(pp) Culimadda Puntland ayaa maanta lasoo gaarsiiyay deeq lacag ah oo gaaraysa $200.000,taasoo ay iska soo aruuriyeen shacab Gobalka Banaadir iyo mamulkooda.
Munaasibad ay culimadu lacagta kula wareegayeen oo lagu qabtay hoolka shirarka Hotelka Rugsan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda dowladda,mamulka Gobalka Nugaal,kan degmada,haweenka Gobalka,Culimadda iyo masuuliyiin kale,waxana inta badan munaasibadaasi laga soo jeediyay khudbado u badan in umadda Soomaaliyeed aysan meelna kala lahayn oo ay yihiin dad qoys ah oo is-raba.
Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Banaadir Aamiin Nuur Iikar oo kulanka ugu horayntii ka hadlay ayaa sheegay deeqdan lacagta ah ee ay culimadda Puntland ku wareejiyeen inuu bilaabay soo aruurinteeda Gudoomiyaha Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan,wuxuna sheegay inay muhiim tahay dadka Soomaaliyeed inay is-caawiyaan xiliyada ay masiibo dhacda.
Mudane Iikar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in deeqdan lasoo gaarsiiyo qoysaskii ay saamaynta kasoo gaartay duufaantii bishii hore ka dhacday qaybo ka mid ah Gobalka Nugaal.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah gudoomiyaha guddiga taakulaynta ee caawinta qoysasyka cayroobay ayaa ka gudoomay deeqda wafdiga Gobalka Banaadir ka yimi,wuxuna sheegay inay sidii loogu talo galay qoysaskaasi loo gaarsiiin doono,marka xoolaha lagu gadana loo yeeri doono masuuliyiinta Gobalka Banaadir.
Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inay waajib tahay in umadda Soomaliyeed ay isku gargaareen xiliyada ay dhibaato dhacdo,wuxuna tilmaamay arrinta qoysaska qabsatay inay u baahan tahay in gacmaha la isku qabsad,wuxuna sheegay deeqdan inay tahay tii ugu horaysay oo intaasi leeg oo culimadda lasoo gaarsiiyo.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal,wasiirka deegaanka iyo duqa degmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa muujiyay shacabka Soomaaliyeed inay wax qabsan karaan,isla markasna la iska daayo in wax laga sugo gacmo shisheeye.
Culimadda Puntland ayaa dhowaan qoysaska cayroobay gaarsiiyay 15-kun oo ari ah,waxana hadda la wadaa xoolo aruurin xoogan oo dadkaasi nolashooda dib loogu soo dhisayo.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe