Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho:Maktabaddii Umadda Soomaaliyeed oo dib loo hagaajinayo(Sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp) Machadka daraasaadka siyaasadda Heritage ayaa maanta ku qabtay Muqdisho munaasabad ballaaran oo ahayd mid dib loogu soo nooleynayo maktabaddii Qaranka Soomaaliyeed oo 22-kii sano ee lasoo dhaafay burbursanayd.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qaybgalay, ganacsato, aqoonyahano, ururada bulshada rayidka ah, xildhibaanno, wasiirka horumarinta adeegga bulshada iyo marti sharaf kale.

Prof. Maxamed C/qaadir oo ah guddoomiyaha guddiga dib u soo nooleynta maktabadda Qaranka ahna agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay wax ka bedeli doonto waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, ayna ka heli doonaan xarunta buugaag casri ah.

Madaxa mashruuca dib u soo nooleynta maktabadda Qaranka Seynab Maxamed ayaa waxay faahfaahin ka bixisay cidda maal-galineysa dib u dhiska ay ku sameynayaan maktabadda hey’addo caalami ah ayna ka faa’iidi doonaan dadku waxyaabo badan oo aqoonta iyo taariikhda ku saabsan,

C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka oo isna ka hadlay halkaas ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay howshan dib loogu soo noolaynayo maktabadda ee uu wado machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, uuna ugu hambalyenayo sida wanaagsan oo ay u hindiseen in la nooleeyo maktabadda ummadda oo lagu ilaaliyo dhaqanka iyo waxyaabaha taariikhiga ah.
Ugu dambeyn, wasiiradda horumarinta adeegga bulshada Soomaaliya, Maryam Qaasim oo soo xirtay munaasabadda ayaa sheegtay inay aad ugu riyaaqday markii machadka Heritage ay u soo bandhigeen in dib loo soo nooleeyo maktabaddii Qaranka, iyadana ay gacan ku siineyso arrintani oo qeyb ka ah horumarada dalka, waxayna xustay in keydinta aqoonta iyo waxyaaba kale laga dhaxli doono taariikh wanaagsan.

4 1 11 10 9 8 7 6 5 3 2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>