Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Burhaan B.Muuse oo Si diirran Garowe loogu soo dhaweeyay(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) ku simaha boqorka beelaha Daarood Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan ayaa maantey si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Garowe xarunta dowladda Puntland.

13Inta badan murashaxiinta xil doonka ah,masuuliyiin dowladda ka socoto,Odayaal dhaqan iyo dadwayne kale ayaa Boqor Burhaan kaga hortagay Tuuladda 22-aad,waxayna halkaasi ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka Boqorka Caasumadda Puntland.
5Burhaan Boqor Muuse oo saxafadda hadal kooban siiyay ayaa marka hore ka mahad celiyay sida wanaagsan ee caasuamdda loogu soo dhaweeyay,wuxuna sheegay imaatinkiisa Garowe inuu salka ku hayo sidii uu uga qayb qaadan lahaa arrimaha u baahan xalinta dhaqan,wuxuna sidoo kale gacan qaaday dhamaan dadkii soo dhawayntiisa ka qayb galay.
12Boqor Burhaan ayaa ka hadlay colaadda iyo dagaaladda ka socda qaybo ka mid ah Gobalka Shabellada hoose,wuxuna ku baaqay in si deg deg ah dagaakaasi loo joojiyo oo nabadda iyo wada-noolaashaha laga wada shaqeeyo.
11Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay ra’iisulwasaraha cusub ee Somalia oo ay dhowaan codka kalsoonida siiyeen gollaha shacabka,wuxuna u muujiyay inuu ku faraxsan yahay,sidoo kale ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia ayuu ammaanay.
10Magalada Garowe caasuamdda Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa kusoo qul-qulayay Isimadda Puntland,kuwaasoo xiliyadda doorashadda iskugu imaan jiray magalada si ay u dhex-dhaxaadiyaan haddii uu khilaaf soo kala dhexgalo murashaxiinta.
9Inkastoo xiligii doorashadda ay ka harsan yihiin maalmo kooban,haddana ilaa iyo hadda ma muuqato wax isku soo dhowaansho ah oo udhaxeeya murashaxiinta mucaaradka ah iyo xukumadda,arrinta la isku hayo ayaana ah guddiga uu Cabdi-Raxmaan Farole magacaabay.

 

Mobil ahaan u dhagayso-Buraah Boqor

8 7 6 4 3 2 1

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>