Taleex(pp) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah isimadda Beesha Dhulbahante oo maanta la hadlayay Radio Daljir ayaa sheegay inuu soo saxiixay xildhibaano gaaraya toban xubnood oo qayb ka ah baarlamaanka cusub ee 2014-ka imaanaya.
Garaad Saleebaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo midnimadda iyo wadajirka Puntland,wax kasta oo dhibaato iyo dagaal dhalin karana laga fogaado,wuxuna sidoo kale sheegay Garaadku inay muhiim tahay helitaanka doorasho cadaalad ah.
Waxa uu sheegay Garaadka inuu waagii hore soo saxiixi jiray shan xildhibaan ilaa todobo xidhibaan,balse hadda sababta uu tobanka kusoo saxiixay ay tahay ka dib markii beelaha qaarkood ay ka codsadeen inuu saxiixo maadama kala aragti duwanaani ay jirto.
Waxa uu ku sugan yahay Garaad Saleebaan Magalada Taleex ee Gobalka Sool,wuxuna ugu danbayntii murashaxiinta ugu baaqay inay danta guud ee dalka iyo maslaxadda umadda ka wada shaqeeyaan oo ay isku tanaasulaan.
17-ka xildhibaan ee ka imaan jiray Gobaladda Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa maalmihii ugu danbeeyay uu muran ku jiray,maadama qaar ka mid ah beelaha gobaladaasi ay sheegeen inay Puntland ka go’een oo ay Khaatumo raaceen.waxaase soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya beelaha gobaladaasi dega inay soo dhamaystiri doonan xubnaha wali ka maqan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe