Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Murashax Maxamed C/nuur oo Garowe kusoo dhaweeyay Burhaan Boqor(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp)Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u tartamaya doorashada Madaxtinimadda Puntland ayaa maanta ku soo dhaweeyay Tuuladda Labiyalabaataan ee Duuleedka Garowe Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka soo kicitimay Magaaladda Qardho Waxaa si diiran u soo dhaweeyay Boqolaal qof oo isugu jiray Musharixiinta, Isimo, Nabadoono, Cuqaal,Dhalinyaro iyo Dadweyne kale. Waxaana Boqorku aad uga mahadnaqay Musharixiinta iyo Dadweynihii Faraha badaha Badnaa sida ay ugu u soo dhaweeyeen Magaaladda
.
Boqor Burhaan Boqor muuse oo ka hadlayay ujeedada Safarka uu ku yimid Garowe, Waxaa uu yiri
“ waxaan halkan u nimid inaanu kala qaybqaadano isimadii hore u joogay oo ku howlanaa inay maareeyaan sidii doorashadaasi habsami ugu dhici lahayd, Wixii tallo iyo Tusaale aanu ka qaadan karo inaan ka gaysto” ayuu yiri

“ Shaki kuma jirno Haddii doorashadani si habsami leh u dhacdo inay tusaale wanaagsan u noqonayso guud ahaan Somalia, Waaqo Dowladda Puntland qiimo weyn ayuu ugu fadhidaa Somalia, wuxuu tusaale ku dayasho mudan u yahay Maamulada kale ee dalka ka dhismaya” ayuu sii raaciyay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Musharax Maxamed C/nuur Xirsi, waxaa uu Aqoonsan yahay islamarkaasna aaminsanyahay in Isimadda Puntland ay Kaalin Firfircoon oo muuqata ka qaadan karaan sidii Puntland ay uga dhici lahayd Doorashadda Nabad ah oo xor oo xalaal ah.

Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo Maalmihii u dambeeyay Xaruntiisa Ololaha Doorashadda ku Martigalinayay Musharixiinta u Tartamaya Doorashada Madaxtinimadda Puntland, Halkaasoo ay kaga xaajoonayeen khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Musharixiinta ee Guddiga khilaafaadka Doorashadda, Waxaa uu Musharaxu rajaynayaa in 8 January 2014 ay si nabad ah u dhici doontoo Doorashadu.

DSC_0324 DSC_0327 DSC_0328 DSC_0329 DSC_0330 DSC_0331 DSC_0332 DSC_0333 DSC_0334 DSC_0335 DSC_0336
Xafiiska Warfaafinta ee Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>