Garowe(pp) Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Sicid Maxamed Garaase ayaa maanta qado sharafeed waxay magalada Garowe xarunta Puntland ugu sameeyeen Isimadda Puntland ee magalada ku sugan,iyadoona qadadaasi ay ahayd mid lagu wada sheekaysanayay.
Isimadda bartida loogu yahay magalada Garowe oo qadada ka hadlay ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyay Burhaan Boqor Muuse oo maantey kasoo socdaalay magalada Garowe,waxayna si hoose uga shooreen xaaladda Puntand iyo sidii dadaal nabadeed looga dhamayn lahaa arrinta taagan ee xalanka u baahan.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay qadada inay tahay mid ku kali ah in la isku waraysto,balse wax intaasi dheer aysan jirin,wixii wada hadal iyo go’aan ahna dib la isaga imaan doono.
Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa dhankiisa bogaadiyay isimada Garowe iskugu timi ee doonaya inay la xaalaan danta iyo maslaxadda guud ee dadka,wuxuna sheegay inay muhiim tahay ka shaqaynta midnimadda guud ee Puntland.
Inkastoo aan la hubin haddana wararka soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya Isimadda inay ku kala aragti duwan yihiin shirka Garowe laga iclaamiyay ee Sulaan Siciid Maxamed Garaase uu Shirdoonka ka yahay,walow Burhaan Boqor Muuse la sheegayo inuu arrintaasi hadal ka keenay.
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa inay kulan yeesheen Isimadda Puntland,kulankaasi oo ka mid ah kuwii maalmihii ugu danbeeyay magalada Garowe uga soconayay,waxana la sheegayaa inay kasoo baxaan go’aamo wax ku oo ah,maadama ay soo dhow dahay doorashadda.
Wararka kale ee caawa soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya in murashaxiinta ay ku kala aragti duwan yihiin sidii loo waji lahaa arrinta ay markii hore khilaafka ka keeneen.
Waxaase wali shaqadiisii sidii caadiga ahayd isaga sii wata guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole,kaasoo ku mashquulsan arrimaha xildhibaanadda cusub ee imaan doono,kuwaasoo la sheegayo inay kor u dhaafayaan warqadaha codsiga afar boqol.
Dhinaca kale Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nichalas Key ayaa maanta sheegay inay muhiim tahay Puntland inay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,murashaxiintuna ay u madax banaan yihiin shirarka isdaba jooga ah ee ay Baladka ku yeelanayaan.
Hase yeeshee magalada Garowe waxaa ku sugan Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka socda xafiiska Kay,kaasoo mararka qaarkood qoraal uu soo dhigayo barta Facebook u sheegaya inay ku rajo wayn yihiin howsha inay kusoo dhamaato si guul ah oo lagu wada qanacsan yahay.
Marka la isku bar-bar dhigo qodobka la isku hayo tabartiisa inta ay leeg tahay iyo xiliga doorashadda ayaa dadka falanqeeya waxay ku tilmaamayaan inay kala fog yihiin,sidaasi darteedna loo baahan yahay tanaasul dhan ka yimaada.
Isku soo wada duuboo murashaxiinta xil doonka ahi ayaa ka war sugaya go’aanka ugu danbeeya ee ay gaaraan Isimadda laf-dhabarka u ah jiritaanka Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garpwe