Garowe(pp) Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa maanta markii ugu horaysay booqday xarunta ay ku jireen dadka dhimirka ka xanuunsan,taasoo ku taala duleedka bari ee magalada Garowe.
Marka uu tagay Murashax Maxamed xaruntaasi waxa uu soo dhawayn kala kulmay mamulka xarunta oo ah Xaawo Qaylo dhawayne,wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa halka lagu xanaaneeyo dadka ka xanuunsanaya maskaxda oo rag iyo dumar iskugu jira.
Qaar ka mid ah dadkii xaruntaasi ku jiray oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka,biyaha,korontadda iyo cunta.
Madaxa xarunta Nasrulaah Xaawo Qaylowayne ayaa sheegtay inay muhiim tahay murashaxiintu inay wax u qabtaan dadka aadka u jilcisan ee u baahan in loo gurmado,waxayna murashaxa ka codsaday haddii uu ku guulaysto xilka uu doonayo inuu wax badan oo muuqda u qabta dadka xanuunsanaya.
Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa dhankiisa sheegay inay waajib tahay in dadka wax haystaa ay soo caawiyeen dadka dhimirka ka xanuunsan ee aan waxba qabsan karin,wuxuna sheegay inuu wax badan ka qaban doono baahiyadda ay so gudbiyeen dadka xanuunsan haddii uu xilka madaxtinimadda alle ku guuleeyo.
Ugu danbayntii Maxamed Cabdinuur ayaa sheegay xili kasta inay ka go’an tahay wax u qabashada dadkiisa,haddii uu xilka ku guulaysto iyo haddii kale.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe