Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Murashaxiinta oo dalbaday Isimadda Sool iyo Cayn in shirka Isimadda Garowe laga qayb galiyo(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta ku heshiiyay inay ka tanaasulaan arrintii la isku hayay ee ahayd guddiga xalinta khilaafaadka ee uu Farole soo magacaabay.

 
Shirkooda waxaa kasoo baxay baaq afar qodob ka kooban oo ay ku sheegayaan inay raali ka yihiin guddiga xalinta khilaafadka ee dowladdau ay magacowday iyo in guddiga howsha wadaa ay kor kala socdaan guddi Isimo ah.
Cali XaajiAfhayeenka murashaxiinta Cali Xaaji Warsame oo caawa saxafadda kula hadlayay aqalkiisa ayaa sheegay shirar kala duwan oo ay murashaxiintu yeesheen ka dib ay kasoo baxday in la tanaasulo si doorashadda loo wajaho,qodobadda ay soo sareen ayaa kala ahaa.

 
1:Inaan masuuliyadda khilaafkii inuu dhaxeeyay annaga iyo madaxwaynaha aan ku wareejino Isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland dhisay.
2:Inaan doonayno inaan helno doorasho xalaal ah oo lagu kalsoonan karo dhinac kasta.

 
3:Inaan ku ogaalano guddiga xalinta khilaafaadka labadaan shardi,in xulashadda baarlamaanka 2013- marjac looga dhigo isimaddii aasasay Puntland 1998,sharuuadda labaad in wixii khilaafaad ah oo kasoo baxaya xulashadda baarlamaanka 2013 loosoo gudbiyo Isimaddii marjaca u ahaa doorashadii tan ka horaysay oo ay go’aan kama danbayn ah lee yihiin.

 

 

4-Waxaan soo jeedinaynaa in lala xariiro oo la caasumo Isimadda ka maqan shirka ee soo jireenka ah ee Gobaladda Sool iyo Cayn,waxan ku wareejinaynaa masuuliyadda habsami u socodka doorashadda guud ee Puntland,Isiamdda soo jireenka ah ee Puntland.

 
Baaqaan waxaa si wada jir ah usoo wada saaray 21-murashax oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka Puntland.

 

 
Gen.Samater

Shirkan jaraa’id sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha murashaxiinta Puntland Gen.Cabdilaahi Siciid Samater,wuxuna sheegay markii ay cabasho badan u timi murashaxiinta ay go’aan sadeen inay tanaasulaan maadama ay dowladda diiday inay go’aankeeda wax ka badasho.

 

 
Arrintaan kasoo baxday murashaxiinta ayaa waxay dhabadda usii xaaraysaa in doorasho la isku wada raacsan yahay la galo,maadama ay dhamaatay qodobkii la isku hayay,hase yeeshee Isimadda Puntland ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan baaqa uga yimi murashaxiinta.

 

Afhayeenka Murashaxiinta Puntland

Gudoomiyaha Murashaxiinta Gen.Samater

Hoos ka Akhriso Bayaanka ay murashaxiintu soo saareen.

 

Scan1

Scan2

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>