Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Murashax Caluulo oo booqday barakacayasha Garowe deeqna gaarsiiyay dadka dhimirka ka xanuunsan(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Murashax Cabdirisaaq Nuur Caluula ayaa maanta socdaal iyo booqashu ugu tagay xarun ay ku jiraan dadka dhimirka ka xanuusan iyo waliba xeradda barakacayaasha ee Jilim oo ku taala duleedka bari ee magalada Garowe.

576x384x844.jpg.pagespeed.ic.VlFQV6_F5_Waxa uu ku hormaray xarunta lagu xanaaneeyo dadka maskaxda ka xanuunsan oo ay gacanta ku haysa ururka Nasrullaeh ee ay hoggaamiyaha ka tahay Xaawo Qaylo wayne,wuxuna dadka ku jira oo gaaraya ilaa boqol qof u qaybiyay furaashyadda lagu seexdo.

Mudane Cabdirisaaq Nuur Caluula oo saxafadda halkaasi ku hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay caawinta dadka taagda daran sida dadka xanuunsanaya iyo kuwo aan waxba haysan,wuxuna sheegay haddii uu xilka madaxtinimadda ku guulaysto iyo haddii kale uu dadkiisa gabar istaagi doono,una qaban doono inta awoodiisa ah.

576x384x745.jpg.pagespeed.ic.SRpMsxyhl4 (1)Waxa uu sheegay inay waajib ku tahay dadka hantidada haysaa inay dadkooda danyarta ah caawiyaan oo ay xili kasta ka war hayaan,isagoo arrintaasi ka duulaya ayuu sheegay wax u qabashadda dadka dhibaataysan inay qayb ka noqonaysa naxariista iyo kalsoonidda.

576x384x653.jpg.pagespeed.ic.ugqxCd_5fOSidoo kale Murashax Caluula ayaa socdaal gaaban ku tagay xaafadda cusub ee ay degan yihiin dadka kasoo baracakay koonfurta iy gobaladda kale ee Puntland,xaafadaasi oo la yiraahdo Jilam,ayaa waxaa ku nool 600 oo qoys,waxayna marka uu murashax Caluula u yimi ka codsadeen inuu wax ka qabto xaalado kala duwan oo ay sheegeen inay xarunta ku haysato.

573x308x397.jpg.pagespeed.ic.3viCgstJ2ADadku waxay codsadeen in wax laga qabto dhanka biyo iyo horumarinta nolashooda maadama ay magaladda ka fog yihiin,loona baahan yahay addeegyadda aasasiga ah ee nolashadda.

566x308x2122.jpg.pagespeed.ic.3xATGpMZs4Murashaxu waxa uu sheegay inuu wixii awoodiisa ah u qaban doono dadka,siiba uu xooga saari doono helitaanka biyo nadiif ah oo wanaagsan,waxa uu sheegay biyaha inay qayb wayn ka yihiin jiritaanka nolashada qofka,sidaasi darteedna loo baahan yahay biyo nadiif ah.

Waa murashaxii ugu horeeyay oo balan qaad iyo booqasho ugu taxa xeradda barakacayaasha ee Jilam,Qoysaskii soo dhaweeyay ayaa u muujiyay niyad wanaagsan iyo inay aad ugu faraxsan yihiin balan qaadka uu u sameeyay.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles