Bosaso(PP): Munaasabad Ballaaran oo ay kaqaybgaleen Waxgarad, Dhalinyaro iyo aqoonyahanada Beesha Cismaan Maxamuud ayaa waxaa boqorka 34-aad ee beelaha Daarood loogu magacaabay curadka boqorkii geeriyooday Axmed Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse.
Intii ay xafladu socotay ayaa waxaa goobta hadalo kasoo jeediyay qaarkamid ah kaqaybgalayasha xaflada oo ay kamid ahaayeen qoyska reer Boqor Muuse, waxaana kamid ahaa xunihii kaqaybgalay, Cumar Boqor Muuse, Cabdicasiis Boqor Muus, Cabdirashiid Boqor Muuse, Cabdirashiid Boqor Muus iyo Saxardiid Boqor Muuse.
Ugu horayn waxaa kahadlay xaflada boqor Cumar Boqor Muuse waxaana uu ujeedada munaasabada ku sheegay in lagu boqro wiilka ugu weyn caruurta uu dhalay AUN Boqor Cabdullaahi boqor Muuse kaasi oo lagu magacaabo Boqor Axmed Boqor Cabdullaahi.
Cumar Boqor Muuse waxaa uu xusay in go,aanka lagu Magacabay Boqor Axmed uu yahay mid kasoo baxay qoyska reer boqor Muuse.
Dadka kahadlay munaasabada ayaa hadaladoodu ubadnaayee dar daaran iyo duco ay ujeedinayeen Boqorka lamagacabay ee boqor Axmed Boqor Cabdullahi Boqor Muuse (Kin koor).
Waxgaradka iyo aqoonyahankii kahadlay munaasabada ayaa sheegay in boqor Axmed Boqor Cabdullaahi uu xaq uleeyahay in loo magacaabo xilka uu kageeriyooday Aabbihiis, waxayna sheegeen inay rajaynayaan inuu kashaqeeyo horumarka qowmiyada Daarood.
””” Reer Boqor Muuse mar hadey keeneen oo xaqlihii ay maanta noo keeneen gurigii reer Yuusuf Cismaan iyo gurigii Bahdir oo dhan iyo weliba awoowahay Xamdixamiid Ismaaciil Faahiye waa alxamdullilaahi rabil caalamiin ,waana wax lagu farxo””” sidaasi waxaa yiri Axmed Yaasiin oo kamid ahaa waxgaradkii kahadlay munaasabada.
Gabagabadii Waxaa kahadlay Munaasabada Boqor Axmed Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (Kin Koor) waxaana uu sheegay in shirar maalmihii dame usocday qoyska reer boqor Muuse lagu go,aansaday in loo magacaabo boqorka beelaha Daarood.
…..”’Boqor waxaa badela waa curadkiisa saad horay ula socotaan aabahay waa laga weynaa Boqor Maxamuud baa ka weynaa hase ahaatee waxa weeye isagaa u gartay in walaalkiis oo yiri walaal isii qabo markii xaaladoodu ay noqotay mid isqabsi ah balse waxaa abshir ah in xilkaas la isoo jeediyey ana waan aqblay……”””’ayuu yiri.
Boqor Axmed Boqor Cabdullahi Boqor Muuse (Kiin Koor) ayaa noqonaya boqorkii 34-aad ee beelaha Daarood, waxaana xilkani horay uga geeriyooday Aabbihiis.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso