Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Gudoomiyaha Gobalka Nugaal”Cid hub kala bixi karta lana soo gali karta Garowe ma jirto(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Iyadoo si wayn magalada Garowe xarunta dowladda Puntland looga dareemayo doorashadda ayaa maanta waxaa arrimaha ammaanka iyo sida ciidanka loola shaqayn nayo ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

QarjabGudoomiye Qarjab waxa uu sheegay inay muhiim tahay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka xiliga lagu gudo jiro howlgalladda iyo baaritaanadda meelaha laga shakiyo,wuxuna tilmamay maadama ay doorashadda soo dhow dahay ay waajib tahay cid kasta inay masuuliyad iska saarto.

Waxa uu sheegay inay mamnuuc ka tahay magalada hub in lala soo galo lagalana baxo,taasoo ammaanka wax yeelo ku ah,ciidanka ammaanka ayuu sheegay inay baro kaantarool ay ka samaysteen xaafaddaha magalada,taasna ay qayb ka tahay adkaynta ammaanka xiliga doorashadda.

Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo dhinacyo badan taabanaya halkan hoose ka dhagayso.

 

 

Mobil ahaan u dhagayso-

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>