Garowe(pp)Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u Taagan Doorashadda Madaxtinimadda Puntland ee 2014 ayaa shir Jaraa;id oo Galabt ku qabtay Guriga uu ka degan yahay Garowe, Waxaa uu kaga hadlay Go’aankii Musharixiintu ay ku ogolaadeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixita Barlamaanka iyo Amniga Caasimadda Puntland.
Musharax Maxamed Cabdinuur oo Gurigiisa ay ka socdeen Kulamo ay lahaayeen Musharixiintu , Waxaa uu sheegay in Go’aankii Shalay ee musharixiintu uu yimid Wadahadalo qaatay muddo dheer oo dhexmaray Musharixiinta, Waxaana uu u mahadnaqay Xubno ka tirsnaa Gollihii Barlamaanka Puntland iyo Guddiga Ansixinta oo uu sheegay inay ku qanciyeen musharixiinta inay aqbalaan Guddiga.
“Waxaan la kulanay guddi uu hoggaaminayay guddoomiyihii Barlamaanka, oo ay ka mid ahaayeen Guddiga joogtada ah ee Barlamaanka oo qaybweyn ka qaatay inay ku qanciyaan musharixiinta inay guddiga aqbalaan, Waxaan kaloo aan kulan la yeelanay Guddigii khilaafaadka iyo ansixinta Barlamaanka, Intaas markaanu marnay ayaanu annagu (musharixiinta) intoodii badnayd waxay ku qanceen in guddiga la ogolaado, Lana siidaayo inuu shaqadiisa wato”
Musharax Maxamed Cabdinuur waxaa kaloo uu shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Amniga Caasimadda Garowe, Waxaana uu sheegay inay jiraan ciidamo aan ka amar qaadan Taliyaha Amniga Caasimadda Siciid Dheere, oo ka howlgala caasimadda, Waxaana uu yiri
“ Waxaa xusid mudan in amniga Magaaladda Garowe uu fiican yahay, Taliyaha Ammaanka Caasimadda Siciid Dheerena is-faham weyn ayaa naga dhexeeya, Hase yeeshee Waxaad moodaa inuu khalal ka jiro Magaalada Ciidamada ka howlgala iyo Taliyaha inay xiriirkoodu inaysan toos ahayn, inay Ciidamo isaga aan hoos iman inay magaalada ka howlgalaan, Waxaanu jeclaan lahayn dowladda iyo Taliyaha in amniga ay sugayaan ay isku xiraan, oo ay isla socdaan inay ogyihiin waxaa magaalada ka dhacaya ama waxa magaalada ka socda” ayuu yiri.
Musharax Maxamed Cabdinuur waxaa kaloo uu Taliyaha Ammaanka Caasimada uu u soo jeediyay in la joojiyo Baraha Kantorool ee la dhigayo Xarumaha ay degan yihiin musharixiinta, taasi oo uu sheegay inay keeni karto inay isku dhacaan Ciidamadu iyo Ilaalada musharaxiinta
“ Telefoon ayaan ugu sheegay Taliye Siciid inuu Tallaabo ka qaado, oo aan musharixiinta Guryaha ay degan yihiin Jidadka galaya in aan la dhigin Baro Kantorool” ayuu yiri.
Musharax Maxamed Cabdinuur oo ka hadlayay Labo dhacdo oo ka dhacday caasimadda Garowe Toddobaadkan, kuwaasoo uu sheegay inuu Aad uga xun yahay, islamarkaana uu rajaynayo inaysan dib u soo laaban.
“ Waxaad la socotaan, Labo dhacdo oo aad iyo aad u xun inay ka dhaceen Garowe oo labo Nin Musharixiina in nina Xabad lagu riday, Nina Ilaaladiisii iyo ciidamadu xabado iswaydaarsadeen, Arrintaasina waxay ahayd mid aanaan ku farxin, aanu aad uga xumeen, Rajaynayna inaysan dib u dhicin” ayuu yiri
Gabagabadii Musharax Maxamed Cabdinuur Wuxuu sheegay in Musharixiinta u tartamaya Doorashada Madaxtinimada Puntland ay diyaar u yihiin, oo aysan diidanayn in amniga la sugo, Balse ay diidan yihiin in Guryaha iyo Xafiisyada ay degan yihiin in la dhigo Baro-Kontorool.
Geesta kale, Musharax Maxamed Cabdinuur Waxaa uu si weyn ugu mahadnaqay Taageerayaashiisa Gobollada Puntland oo Shirar ay ku taageerayaan Musharax ku qabtay Magaalooyinka Galkacayo, Burtinle, Bosaso, Buuhoodle, Laascaanood, Garowe iyo Magaalooyin kale oo Badan, Waxaana uu ku booriyay in sii wadaan taageerada ay la garab taagan yihiin.
XAFIISKA WARFAAFINTA EE MUSHARAX MAXAMED CABDINUUR
Mobil ahaan u dhagayso-Shirka Jaraa’id Maxamed Cabdinuur Xirsi
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe